Madaxweynaha Mareykanka oo fahfaahiyay howlgal uu amray

Image
Howlgalkan ayaa waxaa laga fuliyay gudaha wadamadda Ciraaq iyo Suuriya.

WASHINGTON, USA - Bayaan fahfaahsan ayaa waxa uu ka soo baxay xafiiska Madaxweyne Joe Biden kaas oo ku saabsan hawlgallada Mareykanka ee Bariga Dhexe. kadib markii ay askarta Ameerikaanka ah la beegsaday.

Axaddii la soo dhaafay, saddex askari oo Mareykan ah ayaa ku dhintay Jordan, kadib markii ay la kulmeen weerar drone ah oo ay soo qaadeen kooxo xagjir ah oo ay taageerto Iran.

"Jimcadii, waxaa lagu soo celiyay maydkoodii saldhigga Ciidamada Cirka ee Dover waxaana tacsi u diray qoysaskooda," ayaa lagu yiri bayaanka Biden oo aad u koobanaa.

Qoraalka ayaa intaas ku daray: "Jawaab celinteenna, aniga oo amraya ciidamada Mareykanka, ayaa beegsaday goobaha IRGC iyo maleeshiyaadka ee Iraq iyo Syria, iyaga oo ujeedadu tahay in laga hortago hanjabaadaha ka dhanka ah ciidanka Mareykanka".

"Weerarkaan, oo maanta aan amrey, wuu sii socon doonaan inta laga gaarayo ujeedka laga leeyahay. Inkasta oo Mareykanka uu raadinayo nabad, waxaan difaaci doonnaa khataraha dadkayaga ka dhanka ah ah," ayaa lagu soo xiray.

Dhawaqan ayaa yimid xilli ciidamada Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka fuliyeen bartilmaameedyo ku yaal Suuriya taas oo jawaab u ah geerida dhawaan ku timid askar Mareykan ah oo ku sugnaa saldhig ku yaallo Jordan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM