Madaxweynaha Ukraine oo raadinaya ajaaniib ku biira Ciidanka

Image
Madaxweynaha Ukraine ayaa sheegay in ajaanibta ay ku biiri karaan Ciidmada Ukraine.

Kiev (GO) - Ukraine ayaa albaabada u furtay ajaanibta doonaya inay ku biiraan Ciidamada Ilaalada Qaranka, iyadoo Kiev ay rajaynayso inay ka soo kabsato khasaarihii ka soo gaaray dagaalkii labada sano socday ee kala dhaxeeyo Ruushka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa bayaan uu soo saaray xafiiskiisa ku sheegay in "ajaanibta iyo dadka aan dhalasho lahayn" ay hadda ku biiri karaan Ilaalada Qaranka ee Ukraine.

"Qof kasta oo raba inuu ku biiro difaaca Ukraine, Yurub iyo adduunka ayaa iman kara oo ka barbar dagaalami kara Ukraine," ayuu ku yiri bayaanka.

Waxaa jiray dagaalyahanno ajnabi ah oo ku biiray Ciidamada Ukraine tan iyo markii uu billowday duulaanka ballaaran ee Ruushka bishii Febraayo 2022, laakiin inta badan waxay uga mid ahaayeen si mutadawacnimo ah.

Ma cadda tirada dagaalyahannada ajnabiga ah ee u safray Ukraine si ay ugu biiraan Ciidamada dalkaas, laakiin uma badna inay buuxin karaan Khasaaraha baaxadda leh ay kala kulmayaan Jabhadaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo u amray Waaxda Difaaca inay “si degdeg ah” u bilowdo tijaabinta hubka nukliyeerka

Ololaha Caalamiga ah ee lagu baabi’inayo Hubka Nukliyeerka ayaa Ruushka ku tirinaya inuu haysto hubka nukliyeerka ugu badan.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 09:42AM

Trump iyo Madaxweynaha Shiinaha oo kulan muhiim ah ku yeeshay South Korea

War kasoo baxay Aqalka Cad ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay si qoto dheer uga wada hadleen khilaafaadka canshuuraha ganacsiga.

  • Caalamka

    30-10-2025

  • 05:34AM