Madaxweynihii Romania oo is-casilay

Image

ROMANIA - Madaxweynaha Romania, Kala'uus Iohanis, ayaa is casilay kadib dadaal ballaaran oo ay sameeyeen xisbiyada ku jira baarlamaanka ee midigta fog kadib doorasho muran badan dhalisay.

Iohannis oo 65 jir ah, ayaa ku dhawaaqay go'aankiisa Isniintii maanta ah, kadib cadaadis sii kordhaya oo ka yimid kooxaha mucaaradka ee dalkaas Romania.

Is-casilaadiisa ayaa timid laba bilood ka dib markii maxkamad sare ay baabi'isay doorashadii madaxweynenaha kadib eedeymo ku saabsan faragelin Ruush ah, iyo kadib markii musharrax aan hore loo aqoon oo midigta fog ka tirsan uu guul lama filaan ah ka gaaray wareegga koowaad.

Bishii hore, kumanaan Ruumaaniya ah ayaa ku soo baxay waddooyinka iyaga oo ka qeyb galay dibadbaxyo ay soo qabanqaabiyeen xisbiyada midigta fog oo qaar ka mid ahna dalbanayay in Iohannis is casilo.

Bishan Jan, saddex xisbiga mucaaradka ee midigta fog, oo gacanta ku haya qiyaastii 35 boqolkiiba baarlamaanka, ayaa soo gudbiyay mooshin ay ku dalbanayaan in Iohannis la canaanto.

Madaxweynaha Romania ayaa is casilay kadib cadaadis ka yimid xisbiyada mucaaradka ee midigta fog, iyadoo doorashada madaxweynaha ee December 2024 la baabi'iyay kadib markii ay soo baxeen eedeymo la xiriira faragelinta Ruushka.

Xildhibaanada Mucaaradka ayaa ku hanjabay mooshin inay ka keenayaan Madaxweynaha, xili xiisada siyaasadeed ee Romania ay sii xoogeysatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM