Maraykanka oo bilaabay inuu gargaar siiyo dadka deggan Qasa

Image
Sarkaal ka tirsan Taliska Dhexe ee Mareykanka ayaa sheegay in gargaarkan loo adeegsaday diyaarado.

Qasa (GO) - Saddex diyaaradood oo kuwa xamuulka ah oo Maraykanku leeyahay ayaa maanta sahay cunto gaarsiiyay marinka Qaza, sidoo sheegay sarkaal Maraykan ah, iyadoo Marinka wajahayo masiibo bini'aadannimo.

Sarkaal ka tirsan Taliska Dhexe ee Mareykanka ("Centcom") ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee France-Presse, "Waxaan gargaar bini'aadannimo gaarsiinay Qasa, iyadoo ay ka qaybqaateen saddex diyaaradood oo nooca C-130 ah."

Ciidamada Masar ayaa sidoo kale ku dhawaaqay maanta, in ay markale gaarsiin doonaan deegaannada waqooyiga marinka Qasa gargaar bini'aadannimo oo dhanka Cirka ah.

Dhowaan ayay ahayd markii wadamo Carbeed oo ay ka mid yihiin Masar, Imaaraatka, Urdun, Qatar, Cumaan, Baxrayn iyo wadamo kale oo ajaaniib ah ay bilaabeen inay gargaar gaarsiyaan marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM