Mareykanka oo difaacay duqeymaha ka dhanka ah Xuutiyiinta Yemen

Image
Dhanka kale, Ruushka ayaa Golaha Ammaanka ka dalbaday shir degdeg ah oo ku saabsan weeraradan.

WASHINGTON, USA - Xoghayaha Difaaca ee Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay in duqeymaha ay la beegsadeen xarumaha Xuutiyiinta Yemen ay fariin cad u yihiin weerarada kooxda ka geysaneyso Badda Cas.

Sarkaal ka tirsan Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Mohammed al-Bukhaiti ayaa sheegay in weerarrada Badda Cas ay sii socon doonaan ilaa ay Israa’iil soo afjareyso xasuuqa ay ku heyso Gaza.

Washington iyo xulafadeeda ayaa beegsaday in ka badan 40 goobood oo Xuutiyiinta ku leeyihiin Yemen, halka Israa’iil duqeymo maalinle ah ka geysaneyso Khan Younis iyo Rafah.

Dhanka kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa la filayaa in Isniinta ay yeeshaan kulan deg deg ah oo looga hadlayo duqeymaha Mareykanka ee Ciraaq iyo Suuriya.

Kulankan ayaa waxa uu ka dambeeyay ka gadaal codsi ka yimid Ruushka, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa ilo diblomaasiyadeed.

Af hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, Maria Zakharova, ayaa goor sii horreysay dhalleeceysay duqaymaha ee Mareykanka iyo xulafadiisa ay waddaan.

Zakharova ayaa waxay xustey in falalkan ay "caalamka tusiyeen dabeecadda qallafsan ee siyaasadda Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo in Washington ay si buuxda u ixtiraamin kuna xadgudubto shuruucda caalamiga ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM