Mareykanka oo xaqiijiyay in uusan dooneyn dagaal uu la galo Iran

Image
duqeymaha ciidamada Mareykanka ay habeenkii jimcaha ka fuliyeen deegaano ka tirsan dalkaasi

Washington (GO) - Aqalka Cad ayaa xaqiijiyey in Maraykanka doneyn dagaal kala dhaxeeya Iran, ka dib markii ay ciidammada Maraykanku duqeeyeen tobannaan bartilmaameed oo ku yaalla Ciraaq iyo Suuriya, kuwaas oo ay ku sheegeen inay xiriir la leeyihiin Tehran.

Afhayeenka Golaha Amniga Qaranka ee Aqalka Cad John Kirby oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dalkiisa uu xilligan dooneyn dagaal.

Maamulka Mareykanka ayaa sidoo kale ku dhawaaqay in Washington aysan dooneyn inay weerarto dhulka Iran, ka dib weerarkii lagu qaaday saldhigga Mareykanka ee Jordan.

Dhanka kale, Xoghayaha Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, ayaa sheegay in duqeymaha cirka ee Mareykanka uu maanta la beegsaday ciidamada Quds ee Iran iyo kooxaha xiriirka la leh "ay yihiin bilowga jawaabta."

Dhankiisa, afhayeenka rasmiga ah ee taliyaha guud ee ciidamada Ciraaq, Yahya Rasuul, ayaa xaqiijiyay in duqeymaha ciidamada Mareykanka ay habeenkii jimcaha ka fuliyeen deegaano ka tirsan dalkaasi ay xadgudub ku yihiin madax banaanida Ciraaq.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM