Masar & Faransiiska oo ka wada shaqaynaya sidii loo dhisi lahaa dawladda Falastiin

Image
Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa sidoo kale ka shaqaynaya sidii xabad joojin looga gaari lahaa Qasa.

Qaahira (GO) - Faransiiska ayaa maanta ku dhawaaqay inuu Masar kala shaqaynayo sidii loo dhisi lahaa dawlad Falastiini ah, ka dib markii ay Paris & Qaahira ay isla qaateen aragtidaas.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska Stephane Ségornet ayaa shir jaraa’id oo uu Qaahira kula yeeshay dhiggiisa Masar, Sameh Shoukry, ku sheegay in “Qasa ay tahay inay qayb ka noqoto dawladda soo socota ee Falastiin.”

Waxa uu intaa ku daray: "Waxaan Masar kala shaqaynaynaa sidii loo gaari lahaa dawladda Falastiin, Falastiiniyiinta iyo Israa'iiliyiintu waxay xaq u leeyihiin inay wada noolaadaan."

Ségornet ayaa sheegay in socdaalka uu ku marayo gobolka uu uga dan leeyahay in xabad joojin laga gaaro marinka Qasa iyo raadinta xal siyaasadeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM