Masar, Israel, Qatar iyo Maraykanka oo kulan looga hadlaayo dagaalka Qasa ku yeelanayo Qaahira

Image
Arrintan ayaa qayb ka ah dadaallada Masar ee lagu soo afjarayo dagaalka Qasa.

Qasa (GO) - Madaxa sirdoonka Mareykanka, Ra'iisul Wasaaraha Qatar, iyo agaasimaha Sirdoonka Israa’iil ayaa maanta magaalada Qaahira kula kulmaya mas'uuliyiinta Masar si ay uga wada hadlaan xaaladda Qasa.

Arrintan ayaa qayb ka ah dadaallada dowladda Masar oo xiriir la sameysay dhammaan saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ah si loo soo afjaro dagaalka Qasa.

Wargeyska “The Times of Israel” ayaa sheegay in agaasimaha sirdoonka Maraykanka William Burns lagu wado inuu maanta gaaro Qaahira si uu ugala hadlo Mas’uuliyiinta Masar dagaalka Qasa iyo heshiiska lagu sii deynayo maxaabiista.

Dhinaca kale, Masar ayaa wadda dadaallo la isku-dubbaridayo dhammaan dhinacyada si loo joojiyo dagaalka, kaasi oo si weyn u sameeyay shacabka reer Falastiin oo in ka badan 28 Kun qof ku waaye.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM