Maxkamad ku taal Iran oo Mareykanka ku xukuntay $50 bilyan oo magdhow ah

Image
Maxkamadda waxay xukun ka soo saartay 42 qof iyo hay'ado Mareykan ah.

WASHINGTON (GO) - Maxkamad ku taal Iran ayaa ku xukuntay maamulka Mareykanka inuu ka bixiyo magdhow ku dhow 50 bilyan oo dollar dilkii hogaamiyihii ugu caansanaa militariga Iran, Qasem Soleimani, oo sanadkii 2020 lagu dilay Ciraaq.

Warsidaha Garsoorka iran "Mizan Online" ayaa qoray, “Kadib cabasho ay soo gudbiyeen 3,318 muwaadin oo ku kala nool dalka, Maxkamadda ayaa xukuntay in maamulka iyo saraakiisha Mareykanka ay bixiyaan magdhow iyo ganaax lacageed oo gaareysa 49.7 bilyan dollar”.

Maxkamaddu waxay xukun ka soo saartay 42 qof iyo hay'ado Mareykan ah, oo ay ku jiraan Donald Trump iyo saraakiil ka tirsanaa maamulkiisa.

Xukunka kiiskan ayaa la soo saaray qiyaastii 4 sano ka dib dilkii taliyihii hore ee Guutada Qudus oo qaabilsanaa hawlgallada shisheeye ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Iran.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM