Muxuu salka ku hayaa khilaafka xooggan ee u dhexeeya Biden iyo Netanyahu?

Image
Biden ayaa horay u sheegay in Netanyahu uu doonayo in dagaalku si uu xukunka ugu sii jiro.

Qasa (GO) - Ilo-wareedyo ku dhow dhow Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in Madaxweynaha uu ka carooday ficilada uu ku kaco Ra’iisal-wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, isaga oo marwalba si hoose u aflagaadeeya sida la sheegay.

In kasta oo ay labada hoggaamiye heshiis ka yihiin dagaalka Qasa, haddana xiriirka ka dhexeeya Biden iyo Netanyahu ayaa maraya heerkii ugu xumaa, taas oo ay ugu wacan tahay burburka ay Israa’iil u gaysatay Marinka, iyo khasaaraha xooggan ee dadka rayidka ah ee Falastiiniyiinta ka soo gaaray.

Waxay u muuqataa in xiisadda u dhaxaysa labada dhinac ay gaartay meeshii ugu sareysay, iyadoo Biden uu ku tilmaamay Netanyahu inuu yahay "Jaahil" sida laga soo xigtay shabakadda wararka ee "NBC" ee Mareykanka.

Biden ayaa u muuqda inuu ka careysan yahay guuldaradii ka soo gaartay qancinta Israa’iil inay beddesho qaabkeeda militari ee Qasa, isaga oo Netanyahu ku tilmaamay "caqabadda keliya" ee taas, sida laga soo xigtay NBC.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale horay u sheegay in Netanyahu uu doonayo in dagaalku sii socdo si uu xukunka ugu sii jiro, maadaama lagu eedeynayo kiisas la xiriira ku takri fal awoodeed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM