Nadaafad darrada Ciidamada Israa’iil ee ku sugan Qasa oo u horseeday Cudur halis ah

Image
Israa'iil ayaa dib u cusboonaysiisay weerarka dhulka ah ee Qasa ka dib muddo toddobaad ah oo ay hakad galisay.

QASA (GO) - Wargeyska “Ynet” ee ka soo baxa Israa’iil ayaa sheegay in cudur ku dhaca mindhicirka uu ku faafay safafka ciidamada Israa’iil, isagoo xusay in ilaa 18 askari laga soo daadgureeyay marinka Qasa si ay u helaan daweyn.

Wargeysku waxa uu sheegay in ciidanka Israa’iil ay si aan caadi ahayn ula kulmayaan Cudurkas toddobaadyadii la soo dhaafay.

Wargeyska oo soo xiganaya dhakhaatiir Israa’iiliyiin ah oo ku howlan daweynta bukaannada, ayaa tilmaamay in sababta ka dambeyso cuduraddan ay tahay raashin dhacay oo askarta loogu deeqay iyo nadaafad darro.

Afhayeen u hadlay Ciidanka ayaa yiri: "18 Askari ayaa hal mar laga soo sheegay cudurkan, iyaga oo lagu arkay astaamahiisa ee ay ka mid ah Daal & Matag”.

Israa'iil ayaa dib u cusboonaysiisay weerarka dhulka ah ee Qasa ka dib muddo toddobaad ah oo ay hakad galisay, iyadoo fulinaysa xabbad joojin bini'aadantinimo oo ay garwadeen ka ahayd Qatar & Masar.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM