Netanyahu oo ku tilmaamy Shuruudaha XMS ee heshiiska Xabadjoojinta kuwoo xasuuq u horseedaya Yahuudda

Image
Netanyahu wuxuu ku sheegay in uu jiro wadaxaajood ay garwadeen ka yihiin wadamo dhowr ah.

Qasa (GO) - Ra'iisul wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa ku dhawaaqay inuu diiday dalabaadka Xamaas ee heshiiska Xabadjoojinta, isagoo ku nuux-nuuxsaday inuu doonayo inuu gabi ahaanba baabi'iyo ururkaas.

Netanyahu wuxuu ku sheegay shir jaraa'id uu maanta qabtay in uu jiro wadaxaajood ay garwadeen ka yihiin dhowr wadan oo dhex dhexaadiyayaal ah, balse aan wadaxaajoodkaas waafaqsaneen dalabaadka ay soo jeediyeen Xamaas.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in la sii wado cadaadiska militari ee lagu haaayo Xamaas oo aan la isku dhiibin dalabaadka ay soo jeediyeen sida uu hadalka u dhigay.

Wuxuu hadalkiisa ku daray in aqbalka dalabaadka Xamaas uusan horseedi doonin xoreynta dadka Maxaabiista ah ay gacanta ku hayaan, laakiin waxay horseedi doonta xasuuq hor leh oo loo gaysto shacabka Israa’iil.

GaroweOnline.

 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM