Putin & Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi oo ku kulmi doona Pyongyang

Image
Waqtiga gaarka ah ee booqashada dib ayaa laga heshiin doonnaa.

Moscow (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ruushka, ayaa sheegtay in Moscow iyo Pyongyang ay xadidi doonaan waqtiga uu Madaxweyne Vladimir Putin ku booqan doono dalka Kuuriyada Waqooyi.

"Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un, intii lagu jiray shirkii lagu qabtay saldhigg Vostochny Sebtembar 2023, wuxuu ku martiqaaday madaxweynaha Ruushka inuu booqdo Pyongyang." Ayuu yiri Diblomaasi ku hadlay afka dowladda.

Baaqan booqashada ah ayaa waxaa dib u xaqiijisay Wasiirka Arrimaha Dibadda Kuuriyada Waqooyi Choe Song Hui oo booqatay Ruushka.

Diblumaasiga Ruushka ah ayaa xaqiijiyay in waqtiga gaarka ah oo booqashada lagu heshiin doono iyada oo loo marayo dariiqyo diblomaasiyadeed.

Mar sii horreysay, afhayeenka madaxtooyada Ruushka Dmitry Peskov ayaa sheegay in booqashada madaxweyne Putin ee Kuuriyada Waqooyi aysan dhici doonin ka hor dhammaadka bisha March.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Iran oo Su’aal Geliyay Awoodda Mareykanka ee Ka Hortagga khataraha Shiinaha iyo Ruushka

Hub kale oo sax ah iyo gantaallo hagitaan leh ayaa sidoo kale si weyn loo isticmaalay intii uu socday dagaalka Iran.

  • Caalamka

    29-08-2026

  • 05:52AM

Dagaalkii Iran oo hoos u dhigay kaydka gantaallada Patriot ee Mareykanka

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in awoodda difaaca ay xitaa xaddidnaan lahayd haddii Ruushku qaado hal weerar oo noocaas ah.

  • Caalamka

    27-08-2026

  • 04:33PM