Putin oo La Kulmay Al-Siisi oo ka qeybgalay Xuska Guusha Dagaalkii 2aad ee Adduunka
MOSCOW – Madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, ayaa Jimcihii kulammo gaar ah la yeeshay dhiggiisa Masar, Madaxweyne Abdel Fattah el-Sissi, iyo madaxweynaha Brazil, Luiz Inácio Lula da Silva, kaddib markii uu ka qayb galay dabaaldeggii sanad-guurada 80-aad ee guushii laga gaaray Nazi-ga Jarmalka intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Intii uu la hadlayay Madaxweynaha Masar, Putin ayaa ammaanay iskaashiga dhaqaale ee u dhexeeya labada dal, isagoo sheegay in ganacsiga labada dal uu gaaray rikoor dhan $9 bilyan sannadkii la soo dhaafay, islamarkaana uu sii kordhayo. Putin ayaa xusay in Masar ay door muhiim ah ka qaadatay dagaalkii ka dhanka ahaa Hitler, isagoo yiri: "Waa la ogyahay in dagaallo muhiim ah oo milatari ay ka dhaceen dhulka Masar intii lagu jiray dagaalkii.
Dalkaasi wuxuu ahaa saldhig muhiim ah oo ay adeegsadeen xulafada dagaalka ka dhanka ahaa Hitler ee waqooyiga Afrika." Waxa uu sidoo kale sheegay in iskaashiga labada dal uu salka ku hayo dagaalkii ka dhanka ahaa Nazism.
Dhanka kale, kulankii uu la yeeshay Madaxweynaha Brazil, Lula da Silva, Putin ayaa uga mahadceliyay booqashada uu ku yimid Ruushka, isagoo tilmaamay in xiriirka labada dal uu si joogto ah u kobcayo. “Markasta waxaad heli kartaa fursad aad si shakhsi ah ugu soo dhaweyso wakiillada Ruushka marka ay yimaadaan Brazil,” ayuu yiri Putin. Wuxuu intaa ku daray in Brazil ay leedahay saamiga ugu weyn ee ganacsiga Ruushka la leeyahay Latin America iyo Caribbean-ka.
Ruushka ayaa maalintii Jimcaha si weyn ugu dabbaaldegay 80 sano guushii laga gaaray Nazi Germany, iyadoo magaalada Moscow lagu qabtay bandhig ciidan oo ballaaran oo ka dhacay Fagaaraha Cas (Red Square). Bandhigga waxaa goobjoog ka ahaa madax caalami ah oo ay ku jiraan Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping.
Maalinta Guusha, oo Ruushka laga xuso 9-ka Maajo, ayaa ah fasaxa ugu weyn ee madaniga ah ee dalkaasi, taasoo Ruushku u adeegsado in uu muujiyo awooddiisa caalamiga ah iyo xiriirada uu la leeyahay waddamada aan xulufo la ahayn reer galbeedka, xilli uu socdo dagaalka Ukraine oo galay sanadkii afraad.
GAROWE ONLINE