Putin oo soo saarey xeer cusub uu Ruushka ku isticmaalayo Nukliyeerka

Image
Madaxweynaha Ruushka ayaa hadalkan waxa uu ka sheegay kulan si toos ah looga sii daayay telefishinka.

MOSCOW, Russia - Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa ka digay in Ruushku uu kaga jawaabi karo hubka nukliyeerka haddii lagu weeraro hubka caadiga ah isbeddelladii ugu dambeeyay ee caqiidada Nukliyeerka ee waddanka.

Kulan telefishan laga sii daayay oo uu yeeshay golaha ammaanka ee Ruushka, Putin ayaa ku dhawaaqay in uu si adag isaga difaaci doono wax uu ku sheegay "qorshaha la diyaariyay ee loogu soo duulayay dalkiisa".

Putin waxa uu carabka ku adkeeyay in Ruushku u adeegsan karo hubka nukliyeerka si uu uga jawaabo weerarka caadiga ah ee keenay "khatarta halista ah ee madax-banaanidayada".

Madaxweynaha Ruushka ayaa ah qofka ugu dambeeya ee go'aaminaya adeegsiga hubka Nukliyeerka ee Ruushka wuxuuna u baahan yahay inuu oggolaado qoraalka ugu dambeeya.

Isbadalkan ayaa u muuqda mid si weyn hoos ugu dhigaya in Ruushka uu isticmaalo hubka Nuclear-ka, waxaana uu imaanayaa iyadoo xulafada reer galbeedka ee Ukraine ay ka fiirsanayaan inay u ogolaadaan Kyiv inay isticmaasho hubka riddada dheer.

Ujeedka ayaa ah in Kyiv ay weerarto bartilmaameedyada militari ee gudaha Ruushka, iyo bil kadib markii Kyiv uu bilaabay duulaan lama filaan ah oo uu ku qaaday Ruushka gaar ahaan gobolka Kursk.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump: "Israa'iil dambe ma weerari doonto xarumaha gaaska ee Iran."

Digniintii adkayd ee ka timid Riyadh oo sheegtay in "dulqaadkii Khaliijka ee weerarada Iran uu dhammaaday."

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 11:05AM

Senate-ka Mareykanka Oo Diiday Xeer Lagu Xaddiday Awoodda Trump ee Dagaalka Iran

Hoggaamiyaha Dimuqraaddiga ee Senate-ka Chuck Schumer ayaa ka hor codeynta sheegay in aysan caddayn ujeeddooyinka dagaalka.

  • Caalamka

    19-03-2026

  • 10:52AM