Qadar oo sii deysay rag loo xukumay in ay u basaasayeen Israa’iil

Image
Sideedan ruux oo ka tirsan Ciidamadda Badda Hindiya ayaa waxaa horey loogu xukumau dil toogasho.

DOOXA, Qadar - Maxkamad ku taalla dalka Qatar ayaa sii deysay 8 sarkaal oo hore uga tirsanaan jiray ciidamada badda Hindiya oo horay loogu xukumay dil toogasho ah, kaddib markii lagu eedeeyay dambiyo aan la sheegin.

Todobo ka mid ah raggan ayaa horay ugu laabtay Hindiya, wasaaradda arrimaha dibadda Delhi ayaa Isniintii sheegtay.

Bishii Janaayo, mas'uuliyiintu waxay sheegeen in xukunkooda dilka loo beddelay xukunno "kala duwan" oo dheer.

Qatar iyo India midkoodna ma shaacin eedaha loo haysto raggan oo u shaqaynayay Dahra Global oo ah shirkad gaar loo leeyahay oo Qatar ku taal.

Balse Financial Times iyo Reuters ayaa sheegay in raggan lagu soo oogay dacwad ah inay u basaasayeen Israa’iil.

Sikastaba ha ahaatee, xiritaanka raggan ayaa si weyn waxa ay u qabsatay bogaga hore warbaahinta iyo joornaaladda Hindiya sannadkii 2022-kii.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaalka Iran oo Su’aal Geliyay Awoodda Mareykanka ee Ka Hortagga khataraha Shiinaha iyo Ruushka

Hub kale oo sax ah iyo gantaallo hagitaan leh ayaa sidoo kale si weyn loo isticmaalay intii uu socday dagaalka Iran.

  • Caalamka

    29-08-2026

  • 05:52AM

Dagaalkii Iran oo hoos u dhigay kaydka gantaallada Patriot ee Mareykanka

Sarkaalka ayaa intaas ku daray in awoodda difaaca ay xitaa xaddidnaan lahayd haddii Ruushku qaado hal weerar oo noocaas ah.

  • Caalamka

    27-08-2026

  • 04:33PM