Qaramada Midoobay oo ku baaqday in la joojiyo colaadda Yemen

Image
Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa dagaal toos ah la galay Xuuthiyiinta

Sanaa (GO) - Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, Hans Grundberg, ayaa Arbacadii ku baaqay in la qaado tallaabo lagu soo afjarayo colaada ka aloosan Yemen.

Xuutiyiinta ayaa in ka badan 2 bilood waxa ay wadeen weeraro ay ku bartilmaameedsanayaan maraakiib maraya badda cas, kuwaas oo ay ku sheegeen in ay xiriir la leeyihiin Israa’iil.

Ciidamada Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa dhankooda dagaal toos ah la galay Xuuthiyiinta, iyagoo duqeymo ka wada goobaha ay ku sugan yihiin, isla markaana ka jawaabaya waxa ay u arkeen inuu halis ku yahay isu socodka badda cas. 

Ka hor dagaalka Qasa, dhinacyada ku loolamaya talada Yemen ayaa isku diyaarinayay inay galaan geeddi-socod nabadeed oo ay Qaramada Midoobay hormuud ka tahay, kaas oo lagu wado in markii dambe lagu soo afjaro dagaalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump oo Dhimaya 20% Tirada Jeneraalada Sare ee Ciidamada Mareykanka

Hegseth oo muuqaal soo dhigay barta X (horey Twitter) ayaa sheegay in siyaasaddan cusub ee uu ugu magac daray.

  • Caalamka

    06-05-2025

  • 07:33AM

Maalinta Xorriyadda Saxaafadda: Madaxweyne La Hadlay Warfidiyeeno Muddo 15 Saacadood ah

Shirka jaraa’id oo aan caadiga ahayn ayaa lagu beegay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda…

  • Caalamka

    04-05-2025

  • 11:31PM