Qorshe lagu doonayo in xabbad joojin lagu soo rogo Qasa & caalamka oo isha ku haayo jawaabta XMS

Image
Qorshahan ayaa waxaa soo diyaariyay madaxda hay’adaha sirdoonka ee Maraykanka, Israa’iil, iyo Masar.

Qasa (GO) - Ilo xog ogaal ah ayaa sheegay in ururka Xamaas uu daraaseynayo qorshe xabbad joojin ah oo laga dhaqan gelinayo marinka Qasa, islamarkaana lagu xaqiijinayo sii deynta Maxaabiista Israa’iil.

Guusha qorshahan ayaa ku xiran in Xamaas ay ogolaato wajiga koowaad ee qorshahan saddexda heer ah, maadaama ilaa haatan aan lagu heshiin in si rasmi ah loo joojiyo dagaalka, taas oo ah dalabka aasaasiga oo ururka shardi uga dhigay heshiis kasta oo dhici kara.

Qorshahan ayaa waxaa soo diyaariyay madaxda hay’adaha sirdoonka ee Maraykanka, Israa’iil, Masar, iyo sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Qatar, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Reuters.

Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheikh Mohammed bin Abdul Rahman Al Thani ayaa Isniintii sheegay in aysan garaneyn jawaabta Xamaas, islamarkaana aysan saadaalin karin.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Weerar lagu qaaday masaajid ku yaalla Pakistan oo dilay ugu yaraan 16 qof

Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu dhuftay afaafka masaajid ku dhex yaalla…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 11:52AM

Mareykanka oo ansixiyey qorshe $24.3 bilyan oo diyaaradaha F-35 ah looga iibinayo Sacuudi Carabiya

Qorshaha hubka ayaa soo baxay iyadoo Xuutiyiintu si weyn u kordhiyeen…

  • Caalamka

    18-09-2026

  • 02:09AM