Rwanda oo Xiriirka u Jartay Belgium

Image

KIGALI - Rwanda ayaa Isniintii go'aansatay inay jarto xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dalka Belgium, iyadoo dhammaan diblomaasiyiinta Belgium laga saaray dalka. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Rwanda ayaa lagu sheegay in Belgium ay "si joogto ah u hoos u dhigeysay" Kigali "xilligii ay socotay xiisadda dagaal ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo."

Belgium ayaa talaabadan ku tilmaantay "mid aan miisaan lahayn," iyadoo ku amartay dhammaan diblomaasiyiinta Rwanda ee ku sugan dalkaas inay ka baxaan.

War-saxaafadeedka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Rwanda ayaa lagu yiri, "Dowladda Rwanda waxay maanta u sheegtay Dowladda Belgium go'aankeeda ah in la jaro xiriirka diblomaasiyadeed, kaasoo dhaqan-gal ah isla markiiba."

"Belgium si cad ayey uga heshay dhinac dagaalka gobolka waxayna si joogto ah u abaabushay si ay uga hortagto Rwanda ee fooramada kala duwan, iyadoo adeegsaneysa been abuur iyo khiyaano si ay u heshato ra'yi khilaafsan oo aan cadaalad ahayn oo ku saabsan Rwanda, iyadoo ujeedadu tahay in la wiiqo xasilloonida Rwanda iyo guud ahaan gobolka," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Belgium ayaa si degdeg ah ugu dhaleeceysay talaabadan, iyada oo ku tilmaamtay "mid aan miisaan lahayn" isla markaana ay saartay dhammaan diblomaasiyiinta Rwanda ee dalka Belgium.

"Belgium waxay ka xuntahay go'aanka Rwanda ee ku aaddan goynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo ku dhawaaqista in diblomaasiyiinta Belgium ay noqdeen 'persona non grata'," ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Belgium, Maxime Prevot, oo qoraal ka soo dhigay baraha bulshada ee X.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM