Sacuudi Carabiya: Xiriir lama yeelan doono Israa’iil haddii aan dawladda Falastiin la aqoonsan

Image
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Sucuudiga ayaa hadalkan ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Riyadh (GO) - Wasaaradda Arrimaha Dibadda Sacuudiga, ayaa xaqiijisay in mowqifka Boqortooyada Sacuudiga ku aadan qadiyadda Falastiin uu yahay mid adag, iyadoo carabka ku adkeysay baahida loo qabo in shacabka Falastiin ay helaan xuquuqdooda sharciga ah.

Wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri: “Wadahadallo ayaa socda kuwaas oo u dhexeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo Mareykanka ee ku saabsan waddada nabadda Carabta iyo Israa’iil.

Wasaaradda ayaa bayaanka ku sheegtay in Sacuudiga uusan xiriir la yeelan doonin Israa'iil iyada oo aan la aqoonsanin Dawladda Falastiin.

Boqortooyadu waxay baaq u jeedisay beesha caalamka xubnaha joogtada ah ee Golaha Ammaanka ee aan weli aqoonsan dawladda Falastiin inay dardargeliyaan aqoonsiga dawladda Falastiin.

GAROWE ONLINE

 

 

Related Articles

Shiinaha oo Trump u sheegay in arrinta Taiwan ay labada dal u horseedi karto iska horimaad hubeysan

Katrina Yu oo ah weriyaha Al Jazeera ee magaalada Beijing ayaa sheegtay in fariinta rasmiga ah ee ka timid Shiinaha ay tahay in Beijing.

  • Caalamka

    14-05-2026

  • 01:52PM

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM