Sacuudiga oo cambaareeyay hadalka Netanyahu ee ah in dowlad Falastiin laga dhex-dhiso dalkaas

Image

Riyaadh — Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si kulul u cambaareysay hadalka Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ee ahaa in dhulka Sacuudiga lagu dhiso dowlad Falastiini ah.

Bayaan ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in Netanyahu inuu isku dayayo “inuu dhinac kale u jeediyo dareenka caalamka” si loo illoobo dambiyada uu ka geysanayo Marinka Gaza, oo ah “xasuuq iyo isir-sifeyn.”

“Boqortooyadu waxay xaqiijinaysaa in shacabka Falastiin ay leeyihiin xaqa inay ku noolaadaan dhulkooda, mana ahan dad shisheeye ama muhaajiriin lagu qasbi karo in laga saaro si qasab ah dhulkooda hooyo,” ayaa lagu yiri bayaanka Sacuudiga.

Hadalka Netanyahu wuxuu jeediyay Khamiistii mar uu ka jawaabayay su’aal uu weriye ka tirsan Channel 14 ee Israa’iil weydiiyay. “Carabta waxay ku dhisi karaan dowlad Falastiin gudaha Sacuudiga; dhul badan bay haystaan,” ayuu Netanyahu ku yiri wareysiga. 

Hadalkaas wuxuu kiciyay caro ballaaran oo ka timid dalalka Carabta, oo ay ku jiraan Qatar, Jordan, Masar, Imaaraadka Carabta, Kuwayt, Ciraaq iyo xubnaha Ururka Iskaashiga Gacanka (GCC).

Xoghayaha guud ee GCC, Jasem Mohamed Albudaiwi, ayaa sheegay in hadalada Netanyahu ay yihiin “kuwa halis ah oo muujinaya in Israa’iil aysan ixtiraamin sharciga caalamiga ah, qawaaniinta Qaramada Midoobay iyo madaxbannaanida dalalka.”

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga ayaa uga mahadcelisay dalalka walaalaha ah ee sida adag uga hor-yimid hadalka Netanyahu.

Xiisadda ku saabsan mustaqbalka Falastiiniyiinta Gaza ayaa horeyba uga sii dartay Donald Trump  xusay in Mareykanka uu “la wareegayo”  islamarkaana uu u dejinayo shacabka Falastiin meelo kale, taasoo ah arrin loo arkay barakicin qasab ah iyo qorshe lagu qaadanayo magaaladda.

Duulaanka Israa’iil ee Gaza ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 61,700 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jiraan 18,000 carruur ah, wuxuuna burburiyay inta badan kaabayaasha dhaqaalaha Gaza. Dad gaaraya 14,000 ayaa weli la la’yahay, waxaana la rumeysan yahay inay dhinteen.

Dagaalka ayaa billowday kadib weerarkii ay Xamaas ku qaaday Israa’iil 7-dii Oktoobar, kaas oo sababay dhimashada 1,139 qof iyo afduubka in ka badan 250 qof, oo qaarkood weli la tuhunsan yahay in lagu hayo Gaza.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM