Sacuudiga oo Marti-gelinaya Shir Looga Hadlo Qorshaha Trump ee Gaza

Image

RIYADH, SAUDI ARABIA - Hoggaamiyayaasha Carabta ayaa lagu wadaa inay isugu yimaaddaan Jimcaha dalka Saudi Arabia si ay uga wadahadlaan ka hortagga qorshaha Madaxweyne Donald Trump ee la wareegista Gaza iyo qaxinta dadka shacabka, sida ay sheegayaan ilo-diplomaasiyadeed iyo kuwo dowladda ka tirsan.

Mohammed bin Salman, ayaa ku casuumay hoggaamiyayaasha dalalka Khaliijka, Masar, iyo Urdun kulanka ka dhici doona caasimadda Riyadh, sida ay xaqiijiyeen warbaahinta qaranka ee Saudi Arabia SPA.

Qorshaha Trump ayaa mideeyay dalalka Carabta ee ka soo horjeeda barakicinta Gaza, laakiin weli waxaa jira khilaaf ku saabsan cidda maamuli doonta dib-u-dhiska Gaza.

Umer Karim, khabiir ku takhasusay siyaasadda arrimaha dibadda ee Saudi Arabia, ayaa sheegay in shirkaasi uu yahay “midka ugu muhiimsan” ee sanado badan lagu qabto ee ku saabsan dunida Carabta iyo arrinta Falastiin.

Trump ayaa abuurey carro caalami ah markii uu yiri Maraykanku ayaa "la wareegi doono Gaza" iyo in 2.4 milyan qof oo ah dadka degan loo wareejin doono dalalka deriska ah ee Masar iyo Urdun.

Qaramada Midoobay ayaa ku qiyaastay in dib-u-dhiska Gaza uu ku kacayo in ka badan $53 bilyan sanadaha saddexda ugu horeeya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Soo Dhawaysay Balanqaadka Trump ee xalinta Khilaafka Webiga Nile

Madaxweynuhu wuxuu si kulul u dhaliilay mashruuca biyo-xireenka Itoobiya, isagoo xusay in uu xannibayo biyihii webiga Nile.

  • Caalamka

    16-07-2025

  • 06:51AM

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM