Sucuudiga oo Diiday Qorshaha Trump ee Mareykanka kula wareegayo Gaza

Image

WASHINGTON - Sucuudiga ayaa si adag u diiday qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku saabsan in la qabsado Gaza iyo in la masaafuriyo shacabka Falastiiniyiinta, iyadoo mar kale caddeysay in Boqortooyadu aysan marnaba xiriir la sameyn doonin Israel illaa la helo dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku adkaysatay in Boqortooyadu ay leedahay mowqif aan la taaban karin oo ku aaddan xaqa madaxbannaanida ee shacabka Falastiiniyiinta, kaddib hadalkii Trump ee uu ku soo jeediyay in Falastiiniyiinta laga saaro Gaza si joogto ah oo la geeyo meelo kale.

"Boqortooyada Sucuudiga waxay si cad u diidayaay wax kasta oo xadgudub ku ah xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan isku dayga in si xoog ah looga masaafuriyo, dhul Falastiin oo la qabsado, ama sii socoshada ballaarinta degmooyinka sharci darada ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga.

Trump, oo la joogay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu gudaha Aqalka Cad, ayaa soo jeediyay qorshe Mareykanka hogaaminayo oo dib-u-dhiska Gaza, kaas oo uu sheegay inuu u beddeli karo deegaankaas dagaallada ka soo gaboobay "Riviera-ka Bariga Dhexe."

Sidoo kale, Trump wuxuu ku adkeystay in Falastiiniyiinta aysan dib ugu laaban karin guryahooda, balse ay ku noqon doonaan dalal kale, qorshahan oo si degdeg ah loo diiday madaxda gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM

Xaaladda Telefoonnada Dahabka ah ee Trump: Dadkii Lacagta bixiyay oo weli sugaya

Aanay ka dhignayn heshiis iib oo dhammaystiran ama ballanqaad ah in qofka loo soo rari doono qalabkaas.

  • Caalamka

    12-05-2026

  • 11:49AM