Sucuudiga oo Diiday Qorshaha Trump ee Mareykanka kula wareegayo Gaza

Image

WASHINGTON - Sucuudiga ayaa si adag u diiday qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ku saabsan in la qabsado Gaza iyo in la masaafuriyo shacabka Falastiiniyiinta, iyadoo mar kale caddeysay in Boqortooyadu aysan marnaba xiriir la sameyn doonin Israel illaa la helo dowlad madax-bannaan oo Falastiin ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay ku adkaysatay in Boqortooyadu ay leedahay mowqif aan la taaban karin oo ku aaddan xaqa madaxbannaanida ee shacabka Falastiiniyiinta, kaddib hadalkii Trump ee uu ku soo jeediyay in Falastiiniyiinta laga saaro Gaza si joogto ah oo la geeyo meelo kale.

"Boqortooyada Sucuudiga waxay si cad u diidayaay wax kasta oo xadgudub ku ah xuquuqda sharciga ah ee shacabka Falastiiniyiinta, oo ay ku jiraan isku dayga in si xoog ah looga masaafuriyo, dhul Falastiin oo la qabsado, ama sii socoshada ballaarinta degmooyinka sharci darada ah," ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sucuudiga.

Trump, oo la joogay Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu gudaha Aqalka Cad, ayaa soo jeediyay qorshe Mareykanka hogaaminayo oo dib-u-dhiska Gaza, kaas oo uu sheegay inuu u beddeli karo deegaankaas dagaallada ka soo gaboobay "Riviera-ka Bariga Dhexe."

Sidoo kale, Trump wuxuu ku adkeystay in Falastiiniyiinta aysan dib ugu laaban karin guryahooda, balse ay ku noqon doonaan dalal kale, qorshahan oo si degdeg ah loo diiday madaxda gobolka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM