Taliban oo garoon lagu ciyaaro Kubadda Cagta ku toogatay laba ruux

Image
Garoonka xukunka lagu fuliyay ayaa waxaa ku sugnaa qoysaskii dhibanayaasha oo diiday in la cafiyo labada nin.

Kabul (GO) - Maamulka Taliban ayaa xukun dil ah ku fuliyay labo nin oo lagu helay inay dil geysteen, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee France-Presse.

Labadan nin ayaa lagu toogtay garoon ku yaala magaalada Ghazni, halkaasi oo ay isugu soo baxeen kumanaan rag ah oo goob joog u ahaa fulinta xukunka.

Atiqullah Darwish oo ah sarkaal sare oo ka tirsan maxkamada sare ayaa yiri: "Labada qof waxaa lagu xukumay dil ka dib maxkamad socotay laba sano, waxaana saxiixay amarka dilka hogaamiyaha ugu sareeya ee Taliban, Hibatullah Akhundzada."

Garoonka xukunka lagu fuliyay ayaa waxaa ku sugnaa qoysaskii dhibanayaasha oo diiday in la cafiyo labada nin.

Tan iyo markii Taliban ay xukunka ku soo laabatay Agoosto 2021, laba dil toogasho ayaa laga fuliyay gudaha Afghanistan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM