Trump iyo Macron oo Ku Heshiiyay In Kharashka Amniga Ukraine La Wadaago

Image

WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Faransiiska Emmanuel Macron ayaa Isniintii ku heshiiyay in kharashka amniga ee lagu sugayo nabadda Ukraine uu si siman u wadaagaan Mareykanka iyo Yurub.

Kadib markii uu la kulmay Macron in kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Aqalka White House muddo ka badan saacad, Trump ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in madaxweynaha Faransiiska uu "iigu raacay arrimo badan oo muhiim ah," ugu dambeynna in uu waqtigii saxda ahaa yahay si loo soo afjaro dagaalka Ruushka ee Ukraine.

"Waxaan sidoo kale ku faraxsanahay in Madaxweyne Macron uu qirayo in kharashka iyo culayska amniga nabadda loo baahan yahay inay qaataan dalalka Yurub, aan kaliya Mareykanku," ayuu yiri Trump. "Yurub waa inay qaaddo kaalinta dhexe ee xaqiijinta amniga muddada dheer ee Ukraine, taas oo ay doonayaan inay sameeyaan, waana tallaabo aan aad u weynayn."

"Taallaabada weyn waxay ku saabsan tahay waxa dhici doona usbuucyada soo socda," ayuu raaciyay, isagoo u muuqda inuu tilmaamayo wada-hadallada nabadeed ee socda.

Macron ayaa aqoonsaday in Yurub ay tahay inay wax badan sameyso "amniga Yurub, difaaca Yurub, iyo inay si cadaalad ah ugu qaybsadaan culayska amniga oo dalkaaga uu muddo dheer qaadayay."

"Yurub waa mid si cad u aragta arrintan. Waan ognahay waxa aan u baahanahay inaan sameyno sidii Yurubiyiin, iyadoo laga eegayo khataraha na horyaala iyo waajibaadka aan qaadayno," ayuu Macron intaa ku daray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xaaska Macron oo Dacwad ka gudbisay haween ah oo sheegay in markii hore Nin ahaan jirtay

Dacwadda waxay salka ku haysaa muuqaal YouTube ah oo la daabacay 2021, halkaas oo laba haween ah.

  • Caalamka

    15-07-2025

  • 09:11AM

Hal Sano Kadib Isku-daygii dilka Trump, Eedeysane Labaad oo Maxkamad Tagaya

Toddobaadkii hore, Routh ayaa maxkamad federaal ah ka hor sheegay inuu doonayo inuu iska eryo qareenadiisa uu dowladda ka helay.

  • Caalamka

    14-07-2025

  • 12:33PM