Trump oo hurumarka ka muuqda Riyadh ku amaaney Maxamad Bin Salman

Image

Riyadh ( GO) - Madaxweyne Donald Trump oo khudbad ka jeediyay Riyadh ayaa si weyn u ammaanay Amiirka Sacuudiga, Maxamed bin Salmaan, isagoo ku tilmaamay hoggaamiye keeney isbeddel casri ah. Trump wuxuu sheegay in Riyadh ay noqotay magaalo ganacsi oo leh  tiknoolajiyad horumarsan, taasoo tusaale fiican u ah Bariga Dhexe.

Trump wuxuu dhaleeceeyay reer galbeedka oo uu ku eedeeyay inay dalal badan ku lug yeesheen iyagoo sheegay inay caawinayaan, balse taa beddelkeeda ay sababeen burbur iyo dhibaatooyin. Wuxuu tusaale u soo qaatay magaalooyinka Kabul iyo Baghdad oo lacag badan lagu bixiyay, laakiin aan wax horumar ah laga gaarin.

Trump wuxuu ku sheegey in horumarka ka muuqda Sacuudiga iyo magaalooyinka kale ee gobolka ay keeneen dadkooda iyaga oo aan wax caawimaad ah ka helin reer galbeedka. Wuxuu sheegay in dad badan oo Mareykanka ah ku khaldanaayeen inay ku fikiraan in la farageliyo dalal kale si loo dhiso.

Trump ayaa safiirka Mareykanka u fadhiya Sucuudiga ku sheegay mid muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka Mareykanka iyo Sacuudiga, iyadoo sidoo kale laga hadlayo arrimo amni sida barnaamijka nukliyeerka Iran iyo dagaalka Gaza. Wuxuu ku adkeystay in isbeddelka gobolka uu ka yimid dadka Sucuudiga, halkii laga sugi lahaa faragelin dibadda ah.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

In ka badan 160 qof oo weli la la’yahay kaddib fatahaado ka dhacay Texas

Biyaha xooggan ayaa si lama filaan ah u dhex maray xerada, iyadoo ay jiiteen guryaha jiingadaha ah ee dadka hurday.

  • Caalamka

    09-07-2025

  • 05:17AM

Madaxweyne Trump oo Sheegay in Maraykanka uu Wadahadallo la Yeelanayo Iran

Wadahadalladii lixaad ee u dhexeeyay Maraykanka iyo Iran ayaa loo qorsheeyay inay dhacaan 15-kii Juun.

  • Caalamka

    08-07-2025

  • 11:58AM