Trump oo ka laabtay canshuur kordhin uu dul saaray Colombia

Image

WASHINGTON — Aqalka Cade ee Mareykanka ayaa goor dhaweyd sheegay in madaxweyne Trump uu ka laabtay canshuur kordhin uu dul saaray Axaddii badeecadaha ay Colombia u soo dhoofiso Mareykanka.

Arrintaasi waxay ka danbeysay kaddib marki uu madaxweynaha Colombia Gustavo Pedro diiday, in lava diyaaradood oo millatari oo Mareykanka kasoo qaaday muhaajiriin Colombian ah oo laga soo tarxiilay Mareykanka.

Gustavo ayaa u sheegay Mareykanka in uu aqbalayo qaadashada muwaadiniintiisa laga soo tarxiilayo Mareykanka, haddii ay dowladda Mareykanka ku keeneyso diyaarad rayid ah, balse uusan aqbaleyn diyaarado millatari, arrintaas oo uu ku sheegay mid sumcad dil ku ah dadkiisa.

Aqalka Cad ayaa hadda sheegay in Colombia ay ogolaatay in muwaadiniinteeda laga keenayo Mareykanka lagu geeyo Colombia diyaarado millatari, iyadoo aanan dib loo dhigeyn.

Colombiya ayaa iyaduna sheegtay in Dowladda Mareykanka ay aqbashay in muwaadiniinta Colombiya ay ula dhaqanto si sharax leh.

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM