Trump oo ku dhawaaqay in Mareykanku joojinayo kaalmada milatari ee Israa'iil
WASHINGTON - Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in dalkiisu dhammaadka bisha December ee sanadkan joojin doono kaalmada milatari ee uu siiyo Israa'iil, taasoo uu ku qiyaasay ku dhowaad $4 bilyan sanadkii.
Trump ayaa arrintan ku dhawaaqay 3-dii November, xilli uu khadka taleefanka kula hadlayay barnaamijka Fox & Friends ee telefishinka Fox News. Wuxuu sheegay in isaga iyo Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ay bilo ka hor ku heshiiyeen in la soo afjaro kaalmadaas.
Si kastaba, hadalka Trump ayaa imanaya iyadoo heshiiska is-afgaradka ee hadda ka dhexeeya labada dal uu dhigayo in Mareykanku Israa'iil siiyo $38 bilyan oo kaalmo milatari ah muddo 10 sano ah, oo ku eg Sebtembar 2028. Lacagtaas ayaa u dhiganta $3.8 bilyan sanadkii.
Trump ma uusan faahfaahin sida uu Mareykanku uga bixi doono heshiiskaas ka hor waqtigii loogu talagalay, mana jirto faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan habka loo joojinayo lacagaha harsan.
Madaxweynaha Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in joojinta kaalmadu aysan ka dhignayn in xiriirka milatari ee labada dal dhammaanayo, isagoo caddeeyay in Israa'iil ay weli hub ka iibsan karto Mareykanka, isla markaana Washington ay caawin doonto haddii ay baahi timaaddo.
Hadalka Trump ayaa sidaas darteed tilmaamaya qorshe lagu soo afjarayo kaalmada milatari ee tooska ah, balse ma aha ku dhawaaqis lagu joojinayo dhammaan iskaashiga difaaca iyo hubka ee labada dal.
GAROWE ONLINE