Trump oo qorsheynaya inuu dhimo Shaqaalaha CIA-da Mareykanka
Washington, D.C. – Maamulka Donald Trump, ayaa qorsheynaya in si weyn loo dhimo shaqaalaha Hay’adda Sirdoonka Dhexe ee Mareykanka (CIA) iyo hay’adaha kale ee sirdoonka dalka, iyada oo la qorsheynayo in tobanaan kun oo shaqaale laga saaro sanado dhowr ah gudahood, sida ay u sheegeen ilo-wareedyo arrintan xog-ogaal u ah warbaahinta NBC News.
Qorshahan dhimista kharashaadka ayaa muujinaya in maamulka Trump uu qaadanayo hab si taxaddar leh loo qorsheeyay marka la eego hay’adaha sirdoonka, taas oo ka duwan istaraatiijiyaddii la adeegsaday hay’adaha kale ee federaalka, sida Hay’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Mareykanka (USAID), oo lagu dhowaaday in gabi ahaanba la kala diro.
Xildhibaannada Congress-ka ayaa la ogeysiiyay in dhimista shaqaalaha CIA-da ay gaari doonto inta u dhaxeysa 1,000 ilaa 1,200 qof, sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah. Inkasta oo CIA-du aysan shaacin tirada shaqaalaheeda, haddana warqado sir ah oo la helay sanadkii 2013 ayaa muujiyay in hay’addu ay leedahay in ka badan 21,000 oo shaqaale ah.
Wargeyska The Washington Post ayaa ahaa kii ugu horreeyay ee tabiya qorshahan dhimista shaqaalaha.
CIA-da ayaa ka gaabsatay in ay faahfaahin ka bixiso qorshaha dhimista, mana cadda sida ay go’aankan u saameyn doonaan waaxyaha kala duwan ee hay’adda.
Afhayeen u hadlay CIA-da ayaa ku sheegay email in agaasimaha hay’adda, John Ratcliffe, uu "si degdeg ah uga shaqeynayo in shaqaalaha CIA-da ay u hoggaansamaan mudnaanta amniga qaranka ee maamulka."
Qorshaha dhimista shaqaalaha ayaa imaanaya xilli ay sare u kacayaan khataraha amniga, iyadoo awoodda milatari ee Shiinaha kor u sii kacayso, Ruushkuna uu wado olole qarsoodi ah oo burburin ah gudaha Yurub xilli uu dagaal kula jiro Ukraine, halka Iiraan ay horay ugu socoto barnaamijkeeda nukliyeerka.
GAROWE ONLINE