Turkey: 76 qof oo ku dhintay dab ka kacay hotel

Image

Ankara — Dab ayaa qabsaday hotel ku yaalla goobta loo dalxiis tago ee Kartalkaya ee waqooyi-galbeed ee Turkiga subaxnimadii hore ee shalay, waxaana ku dhintay 76 qof, 51 kalena waa ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha.

Dabka ka kacay hotelka Grand Kartal oo ka kooban 12 dabaq, kaas oo ka samaysan alwaax, ayaa bilowday 3:27 subaxnimo ee saacadda gudaha, ayuu Cali Yerlikaya ku yirri barta X.

Telefishinka gaarka loo leeyahay ee NTV ayaa sheegay in saddex qof ay dhinteen kadib markii ay ka boodeen daaqadaha hoteelka.

Goobtan dalxiiska ayaa ku taal meel sare oo buur ah oo qiyaastii 170 kilomitir (100 mayl) waqooyi-galbeed kaga beegan caasimadda Ankara.

Dabka oo la rumeysan yahay inuu ka kacay maqaayadda hoteelka saqdii dhexe ee xalay ayaa si degdeg ah u fiday. Ilaa hadda ma cadda waxa sababay.

Muuqaalo laga soo duubay oo uu baahiyay telefiishanka NTV ayaa muujinaya qiiq aad u badan oo cirka isku shareeray oo daboolay buur baraf oo hoteelka gadaashiisa ah.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in 237 qof ay ku sugnaayeen hoteelka.

Kuwa la daadgureeyay ayaa dib loo dajiyay hoteello u dhowaa.

Wasiirka cadaalada Yilmaz Tunc ayaa sheegay in lix xeer ilaaliye loo qoondeeyay inay baaraan dabka.

Gelinka dambe ee maanta ayaa la filayaa in ay halkaasi tagaan Wasiirrada Caafimaadka, Arrimaha Gudaha iyo Dhaqanka.

Related Articles

Trump oo qorsheynaya duqeymo cusub oo ka dhan ah Iran kaddib doorashada Mareykanka

Wararka ayaa sheegaya in duqeymaha cusub ay socon karaan dhowr maalmood, iyadoo ciidamada Mareykanka ay diyaarinayaan hubka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 11:30AM

Sacuudiga iyo Ruushka oo ka wada hadlay amniga marin-biyoodka Hormuz iyo Baabul Mandab

Kulankan ayaa muujinaya muhiimadda ay labada dal siinayaan amniga marinnada badda ee gobolka.

  • Caalamka

    31-10-2026

  • 05:00AM