Turkiga oo diiday sheegashada Trump ee ah in Ankara ay la wareegtay Suuriya

Image

Istanbul – Turkiga ayaa Arbacadii diiday sheegashada madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump ee ah in fallaagada xukunka ka tuurtay Suuriya Bashaar al-Assad ay taageero ka heleen xukuumadda Ankara.

"Uguma yeeri doonno la wareegitaanka, sababtoo ah waxay noqon doontaa qalad weyn in si qaldan loo fasiro waxa ka dhacaya Suuriya," wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa sidaas u sheegay Aljazeera.

"Dadka Suuriya, ma ahan cadow shisheeye oo la wareegay dalka, ee waa rabitaanka shacabka Suuriya isbedelka dhacay," ayuu hadalkiisa raaciyay wasiirka.

Isniintii, Trump wuxuu yiri: "Kooxaha qabsaday Suuriya waxaa maamula Turkiga."

Tan iyo maalmihii ugu horeeyay ee kacdoonka ka dhanka ah Asad ee qarxay 2011, Turkiga ayaa loo arkayay inuu yahay taageeraha muhiimka ah ee mucaaradka dalkaas.

Waxa ay dowladda Turkiga martigelisay mucaarad siyaasadeed iyo sidoo kale malaayiin qaxooti ah iyo sidoo kale waxa ay taageertay jabhadaha dagaalka kula jira ciidanka Bashaar Al-asad.

Bashaar inuu beesha ka baxo waxay dani ugu jirtaa Turkiga, maadaama uu ahaa shaqsi shiico ah oo Iran iyo Ruushka ku xiran, islamarkaana xasuuqayay dadka suniga ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Netanyahu oo si qarsoodi ah u booqday Imaaraadka, lana kulmay MBZ intii uu socday dagaalka Iran

Labada dal ayaa xiriir rasmi ah sameystay sanadkii 2020 kadib heshiisyadii loo yaqaan Abraham Accords.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 08:38PM

Trump Oo Gaaray Shiinaha Kahor Shir Uu La Yeelanayo Xi Jinping

Ajandaha ugu weyn ee wada-hadallada ayaa lagu sheegay xiisadda Iran, oo Mareykanku doonayo in uu ka helo taageero caalami ah.

  • Caalamka

    13-05-2026

  • 12:58PM