UK oo diiday Soo-jeedinta Faransiiska ee Xabbad-joojinta Ukraine

Image

LONDON - Dawladda Ingiriiska ayaa hoos u dhigaysa soo-jeedinta Faransiiska ee ku aaddan xabbad-joojin hal bil ah ee Ukraine, iyadoo wasiir ku xigeenka ciidamada Luke Pollard uu ka digay in fursad la siiyo Ruushka oo sameeyo dib u habeyn iyo abaabul kale, si weeraro kale ugu qaadaan dalkaas.

Luke Pollard, ayaa sheegay in doodo kala duwan ay jiraan, balse uu adkeeyey in aan weli la gaarin qorshe rasmi ah, kadib markii madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu sheegay in dalkiisu iyo Ingiriisku ay taageerayaan fursadda xabbad-joojinta ku xadidan halka bil.

Sir Keir Starmer, Ra'iisul Wasaaraha UK, ayaa shir deg-deg ah u qabtay madaxda Yurub, iyadoo xulafada ay ka wadda hadleen sidii loo heli lahaa xal cusub kaddib dagaalkii dhanka afka ee ka dhex-dhacay Aqalka Cad ee u dhaxeeyay Donald Trump, JD Vance oo isku dhinaca ah iyo Volodymyr Zelensky.

Trump ayaa aad u canaantay Zelensky, iyadoo warbaahinta ay kula hadlayeen gudaha Aqalka Cad, waxaana Madaxweynaha Ukraine loo sheegay in hadii uusan qaadan nabada Ruushka, uu Mareykanka joojin doono taageeradda dalkaas.

Madaxda Yurub ayaa sheegay inay dejin doonaan qorshe xabad-joojin ah, islamarkaana ay la kaashan doonaan Madaxweyne Trump, oo isaga billaabay dadaallada nabada Ukraine, oo xiriir toos ah kala sameeyay Putin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM