Ukraine oo ka walaacsan wadahadalada Trump iyo Putin

Image

UKRAINE - Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy, ayaa sheegay in Ukraine aysan haysan fursad badan oo ay kaga badbaadi karto weerarka Ruushka iyadoo aan taageero ka helin Maraykanka.

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in wadahadallo lagu soo afjari doono dagaalka ay bilaabi doonaan kadib wicitaan telefoon oo uu la yeeshay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Madaxweynaha Ukraine ayaa ku dooday in Putin uusan xiiseyn in uu dhammeeyo dagaalka, balse uu kaliya doonayo xabbad joojinta kumeel gaarka ah ee keeni karta in cunaqabateynta la qaado, taasoo siinaysa militariga Ruushka fursad uu isku soo abaabulo.

Wuxuu sidoo kale muujiyey welwelka uu ka qabo suurtagalnimada in Ukraine ay militar ahaan u daciifto iyadoo aan taageero ka helin ciidamada Maraykanka, taasoo ka dhigaysa mid si sahlan loogu jebin karo weerarada Ruushka.

Isbeddel ku yimid siyaasadda arrimaha dibadda ee Maraykanka, Trump ayaa shaaca ka qaaday in uu suurtagal tahay inuu dhowaan la kulmo Putin si uu u bilaabo wadahadallada xabbad-joojinta.

Trump ayaa markaas sheegay inuusan u arkin mid macquul ah in Kyiv ay ku biirto NATO, isla markaana aanay suuragal ahayn in Ukraine ay dib u hesho dhulkeedii oo dhan. Ukraine ayaa dalbaneysa in Ruushka uu ka baxo dhulka uu qabsaday, waxaana ay sheegtay in ay helayso xubinnimada NATO ama dammaanadyo amni oo la mid ah si looga hortago weerar kale oo Moscow ay ka fuliso.

Zelenskyy ayaa la kulmay Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka JD Vance intii uu socday shirka Amniga Munich Jimcihii, isagoo dadaal ugu jira in Ukraine aysan waynin taageeradda Washington ee ku aaddan sidii loo soo afjari lahaa dagaalka saddexda sano socday, kaasoo lagu qiyaasay inuu ku dilay malaayiin qof labada dhinac.
 
GAROWE ONLINE
 

Related Articles

Israel oo la wadaagtay Maraykanka walaaca ay ka qabto Gantaallada cusub ee Iran 

Iran ayaa cashar lama iloobaan ah u dhigtay Israel bishii June, oo ku qaadey weeraro gantaallo oo Tel Aviv iyo Haifa ka dhigay sidii Gaza.

  • Caalamka

    22-12-2025

  • 07:47AM

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM