Waa kuma askariga katirsanaa Daacish ee weerarka ka fuliyay Maraykanka?

Image

Waa kuma ninka weerarka ka fuliyay Maraykanka?

Shamsud-Din Jabbar oo askari hore ahaa ayaa la shaaciyay inuu ka dambeeyo Weerarkii New Orleans, waxaana laga helay baabuurka uu dadka jiirsiiyay calanka ISIS/Daacish.

Weerarka ayaa waxaa lagu dilay ugu yaraan 15 qof oo wado ku taalla New Orleans ku dhigayay xaflad loogu dabaal-degayay sanadka cusub, sida ay sheegtay FBI-da.

FBI-da ayaa xustay in Shamsud-Diin Jabbar oo 42 jir ahaa uu ku dhintay israsaasayn dhexmartay isaga iyo booliska. Ninkan wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Mareykanka.

Daraasiin ayaa sidoo kale ku dhaawacmay weerarka, oo FBI-du ku tilmaantay inuu yahay mid argagixisanimo kadib markii calanka Daacish (ISIS) laga helay dhabarka gaariga.

Booliska magaalada New Orleans ayaa sheegay, in marki uu weerarka dhacayay ay amniga goobta sugayeen in ka badan 300 oo ka mid ah ciidamada booliska magaalada.

Waxay dhacday abbaare 3.15 subaxnimo Shalay, halka ay iska galaan Waddooyinka Canal iyo Bourbon ee xaafadda Faransiiska ee magaalada, oo ah aag caan ku ah dalxiisayaasha.

Ninka weerarka geystay ayaa la toogtay kadib markii uu rasaas ku furay askarta. Labo booliis ayaa ku dhaawacantay israsaaseynta.

Ninka falka looga shakisan yahay ayaa horay uga soo mid noqday millatariga Mareykanka, balse marki danbe ka baxay sida ay saraakiishu sheegeen.

Qori nooca AR-da ah ayaa laga soo saaray gaariga xamuulka ah, waxaana FBI-da ay sheegtay in baabuurka laga helay (walxaha qarxa).

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya oo Ballanqaaday Xiriir Adag iyo Iskaashi Cusub

Kim Jong Un ayaa ka dhoofay Beijing fiidkii Khamiista isagoo dib ugu laabtay dalkiisa kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay Xi Jinping.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 09:11AM

Shiinaha oo soo bandhigay awooddiisa ciidan xilli xiisad kala dhaxayso Mareykanka

Ciidamadeennu waa kuwo u taagan ilaalinta midnimada dhulka Shiinaha, ilaalinta danaha qaranka, iyo xasilinta gobolka.

  • Caalamka

    04-09-2025

  • 08:53AM