Waa kuma siyaasiyiinta ku loolamaya madaxtinimada Ruushka?

Image
Waxaa la xiray marxaladii lagu shaacin lahaa musharaxiinta u tartameysa doorashada madaxtinimo

Moscow (GO) - Wakaalada wararka ee TASS ayaa Axadii sheegtay in la xiray marxaladii lagu shaacin lahaa musharaxiinta u tartameysa doorashada madaxtinimo ee la qorsheeyay in lagu qabto dalka Ruushka bisha March ee soo socota.

Wakaaladdu waxay sheegtay in liiska musharixiinta uu ka mid yahay madaxweyne Vladimir Putin, iyo saddex siyaasi oo dhammaantood taageersan dagaalka Moscow ay ka waddo Ukraine.

Liiskan ayaa waxa ka maqnaa musharraxa Ruushka ee ka soo horjeeda dagaalka Ukraine Boris Nadezhdin, ka dib markii guddiga dhexe ee doorashada ka hor istaageen inuu tartamo, iyagoo sheegay inay heleen khaladaad xagga ururinta saxeexyada looga baahan yahay musharaxiinta.

Nadezhdin oo laga reebay inuu u tartamo doorashada ayaa ku tilmaamay dagaalka Ukraine inuu yahay qalad aad u xun.

Waxa uu sheegay Khamiistii in uu maxkamadda sare ee Ruushka racfaan uga qaadan doono go’aanka guddiga doorashada dhexe.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Masar oo Baaq Sharci ah Dirtay Si Loo Ilaaliyo Xuquuqdeeda Biyaha Webiga Niilka

Sisi ayaa arrintan ka sheegay magaalada Qaahira, isagoo la kulmay wasiirrada Afrika ee ka qeybgalayay Madasha Wada-shaqeynta Ruushka iyo Afrika.

  • Caalamka

    21-12-2025

  • 08:56AM

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM