Xabbad joojintii Israa'iil iyo Xisbullah oo dhaqan-gashay ka dib sannad dagaal ah

Image

LUBNAAN - Barakacayaasha Lubnaan ayaa bilaabay inay dib ugu laabtaan koonfurta dalka iyadoo rajada laga qabo in uu dhaqan-galo heshiiska xabad joojinta ee u dhexeeya Hezbollah iyo Israel.

Dadka rayidka ah ayaa bilaabay inay u dhaqaaqaan dhanka koonfureed, si ay markale ugu noolaadaan guryahooda wax yar ka dib xabbad joojinta, oo ay ku dhawaaqeen madaxweynaha Mareykanka Joe Biden iyo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.

Ciidanka Lubnaan ayaa sidoo kale si degdeg ah ugu dhawaaqay in ay isu diyaarinayaan in ay tagaan koonfurta oo ay Israel ku duushay dhawaan.

Ballanqaadka ah in la ixtiraamo qaraarkii 2006, ee ahaa in Xisbullah ay ka guurto xuduudda Israa'iil, ayaa udub dhexaad u ah heshiiska xabbad joojinta.

Milatariga ayaa ugu baaqay dadka in aysan ku laaban tuulooyinka safka hore ee dagaalka ilaa ay ka baxayaan militariga Israa’iil. Si kastaba ha ahaatee, mowjado dad rayid ah ayaa ku sii socday guryahooda maanta.

Sida ku cad xabbad joojinta, ciidanka Lubnaan waa in 60ka maalmood ee soo socda la geeyo koonfurta wabiga Litani, gobolka koonfureed ee dalka oo xuduud la leh Israa'iil. Ciidamada Israa'iil ayaa si tartiib tartiib ah uga bixi doona halka Xisbullah ay sidoo kale ka bixi doonto aagga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Putin oo Sheegay in Ruushka uu Bartilmaameedsanayo Ciidamada Reer Galbeedka Haddii La Geeyo Ukraine

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii in ka badan 20 waddan oo reer galbeed ah ay ballanqaadeen inay taageeri doonaan Ukraine.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 11:18AM

Shiinaha iyo Waqooyiga Kuuriya oo Ballanqaaday Xiriir Adag iyo Iskaashi Cusub

Kim Jong Un ayaa ka dhoofay Beijing fiidkii Khamiista isagoo dib ugu laabtay dalkiisa kadib kulan gaar ah oo uu la qaatay Xi Jinping.

  • Caalamka

    06-09-2025

  • 09:11AM