Xasan Sheekh oo kireystay shirkad xiriir la leh Donald Trump

Image

Washington — Dowladda Soomaaliya ayaa kireystay shirkad fadhigeedu yahay Washington DC oo xiriir la leh madaxweynaha Mareykanka Donald Trump si looga hortago in Trump uu mar kale ciidamada Maraykanka ka soo saaro Soomaaliya.

Dhamaadkii bishii November ee sannadkii hore, Safiirka Soomaaliya ee Washington Dahir Xasan Carab ayaa heshiis hal sano ah oo dhan $600,000 la saxiixday shirkadda BGR Group, oo ah shirkad ay aasaaseen saraakiil iyo qareenno Jamhuuriyin ah.

Madaxweyne Trump ayaa dhammaadka muddadii hore ee xilka Aqalka Cad hayay wuxuu ciidamada Mareykanka kala baxay Soomaaliya, laakiin waxaa cidiamadaasi dib ugu celiyay Soomaaliya madaxweynihii ku xigay ee Joe Biden.

Dowladda Soomaaliya ayaa haatan raadinaysa in iyadoo isticmaalaysa shirkaddan ay kireysatay ee BGR uu Maraykanku sii wado taageerada milatari ee Soomaaliya uu siiyo, iyadoo aaminsan in taageeradaasi ay laf dhabar u tahay dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee ka howlgalla Soomaaliya.

Shirkadda BGR Group ayaa waxaa aas-aasayaasheeda ka mid ah barasaabkii hore ee gobolka Mississippi Haley Barbour, oo Jamhuuri ah. Waxaa sidoo kale xubnaheeda ku jira Tom Locke, oo horey usoo noqday ku-xigeenka kaaliyaha agaasimaha FBI-da.

VOA

Related Articles

Sacuudiga oo hab cusub ku dhoofinaya shidaalka kadib cadaadiska Hormuz iyo Bab al-Mandab

Markab Sacuudigu leeyahay ayaa shidaalka kasoo qaada dekedaha Khaliijka, kadibna…

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 08:00AM

Kuuriyada Waqooyi oo diiday go’aan ka dhan ah barnaamijkeeda nukliyeerka

Wasaaradda ayaa Sabtidii sheegtay in Kuuriyada Waqooyi ay weligeed ahaan doonto quwad nukliyeer ah.

  • Caalamka

    19-09-2026

  • 05:18AM