Xuuthiyiinta oo war ka soo saaray duqeymaha uu Mareykanka ka wado Yemen

Image
Maraykanka ayaa dhawaan beegsaday goobaha Xuutiyiinta ka soo weeraraan maraakiibta ganacsiga.

Sanaa (GO) - Afhayeenka Xuuthiyiinta, Yaxya Saree, ayaa sheegay in tirada duqeymaha Mareykanka ee ka geysteen Yemen ay gaarayaan 48, kuwaas oo lala beegsaday dhowr gobol oo ka tirsan dalkaasi.

Waxa uu intaa ku daray: "Weeraradani wax kama beddeliyaan mowqifkeena akhlaaqda, diinta iyo bini'aadantinimada ee aan ku taageerayno shacabka Falastiiniyiinta ah ee ku sugan Marinka Qasa”.

Taliska dhexe ee Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in duqeymihii ugu dambeeyay ee dhanka cirka ee Yemen ay diirada ku saareen goobaha ay Xuutiyiinta ka soo weeraraan maraakiibta ganacsiga.

Xiisada ka taagan bariga dhaxe ayaa gashay xaalad adag tan iyo 9-kii Janaayo ee la soo dhaafay, markii ay Xuutiyiintu si toos ah u bartilmaameedsadeen markab Mareykan ah.

Xuutiyiinta ayaa horey u bartilmaameedsanayay maraakiibta xamuulka ah ee ay leeyihiin ama ay maamulaan shirkadaha Israel oo kaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Trump Ma Ka Qayb Gali Doonaa Shirka G20 ee South Africa?

Bishii Maarso, Mareykanka ayaa eryay Safiirkii Koonfur Afrika ee Washington, Ebrahim Rasool, kaddib markii uu si kulul u dhaliilay Trump.

  • Caalamka

    10-09-2025

  • 04:34AM

Nepal: Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo is-casilay xilli ay socdaan rabshado xooggan

Bayaan kasoo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in milaterigu uu si buuxda ugu heellan yahay "difaaca madaxbannaanida dalka.

  • Caalamka

    09-09-2025

  • 12:51PM