Xuutiyiinta oo gantaallo ku weeraray markab laga leeyahay Israa’iil

Image
Xuutiyiinta ayaa sheegay inay ka hortagi doonaan markab kasta oo u socda mid ka mid ah dekedaha Israa’iil.

Qasa (GO) - Xuutiyiinta Yemen ayaa maanta sheegtay mas’uuliyadda weerar cusub oo ay la beegsadeen markabka xamuulka ah ee (MSC SKY), weerarkaas ayaa burburiyay markabka sida ay sheegeen ciidamada badda ee Britain, balse wax khasaare ah kama soo gaarin shaqaalihii saarnaa.

Afhayeen Xuutiyiinta oo lagu magacaabo Yahya Sariic ayaa war uu soo saaray ku sheegay in ay fuliyeen howlgal ka dhan ah markabka laga leeyahay Israa’iil (MSC SKY), ka dib markii ay dhowr gantaal ku garaaceen, isagoo sheegay in weerarka uu ahaa mid xaqiijiyay ujeedada laga lahaa.

Sariic ayaa tilmaamay in weerarka lagu qaaday markabka (MSC SKY) uu dhacay saacado yar kadib markii Xuutiyiintu ay fuliyeen hawlgal ay u adeegsadeen dhowr gantaal iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaan Drones-ka kuwaas oo ka dhan ah maraakiib dagaal oo Maraykanku leeyahay.

Waxa uu sidoo kale sheegay inay sii wadi doonaan ka hortagga markab kasta oo ku xiran Israa’iil ama u socda mid ka mid ah dekedaha Israa’iil illaa ay ka joojiyaan gardarrada iyo go'doominta ay ku hayaan dadka ku sugan marinka Qasa.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Trump: Wadahadallada Iran way socdaan inkastoo diyaarad drone Iranian ah lasoo riday

Trump oo la hadlay wariyeyaasha Aqalka Cad ayaa sheegay in Washington ay “hada” la wadahadlayso Tehran.

  • Caalamka

    04-02-2026

  • 08:43AM

Diyaarad Dagaal Mareykanku Leeyahay oo Soo Ridday Drone Iran Laga Leeyahay

Afhayeen u hadlay CENTCOM, Kabtan Tim Hawkins, ayaa sheegay in drone-ku uu ku…

  • Caalamka

    03-02-2026

  • 06:33PM