Xuutiyiinta oo Gantaallo ku Weeraray Saldhigyo Militeriga oo ku yaalla Israa’iil

Image

SANA’A, Yemen — Kooxda Xuutiyiinta ee fadhigoodu yahay Yemen ayaa Jimcihii sheegtay in ay gantaallo ku rideen waqooyiga Israa’iil, iyaga oo beegsaday saldhigga milatari ee Ramat David iyo agagaarka magaalada Tel Aviv, taasoo qeyb ka ah weerarada ay ku sheegaan in ay ugu jawaabayaan gardarrada Israa’iil ee shacabka reer Falastiin.

Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa "howlgal milatari" lagu qaaday bartilmaameed muhiim ah oo ciidan, isla markaana lagu adeegsaday gantaallo xawaare sare leh (hypersonic missiles), kuwaasoo uu sheegay in si guul leh u gaareen meelihii la beegsaday.

Ciidanka Israa’iil ayaa dhankooda sheegay in ay gantaalkii koowaad ka soo rideen Yemen si guul leh u toogteen, halka midka labaadna lagu furay gantaal kale oo looga hortago, inkastoo natiijada kama dambaysta ah ee ka hortagga gantaalkaasi wali lagu jiro qiimeyn.

Digniinaha weerarrada cirka ayaa laga maqlay dhowr meelood oo ku yaalla waqooyiga Israa’iil, hase yeeshee saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo la soo wariyay.

Dhanka kale, warbaahinta Al-Masirah ee taageerta Xuutiyiinta ayaa sheegtay in toddobo duqeyn oo ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka ee Mareykanka ay ku dhaceen dekedda saliidda ee Ras Isa ee degmada al-Salif ee gobolka Hodeidah, halkaas oo bishii la soo dhaafay uu weerar Mareykanku ka geystay uu sababay dhimashada ugu yaraan 80 qof iyo dhaawaca 150 kale — weerarkii ugu dhimashada badnaa ee Mareykanku ku qaado Yemen sannadkan.

Kooxda Xuutiyiinta, oo sidoo kale cunaqabateyn ku haysa marinnada muhiimka ah ee Badda Cas iyo marin-biyoodka Bab al-Mandab, ayaa ku celisay in weerarada ay ka dhan yihiin Israa’iil iyo maraakiibta Maraykanka iyo Ingiriiska aysan joogsandoonin ilaa Israa’iil ay ogolaato xabad-joojin rasmi ah oo ka dhacda Gaza.

Xuutiyiinta ma aysan fulin wax weeraro ah muddadii xabad-joojinta ee Gaza bishii hore, hase yeeshee waxay dib u bilaabeen weerarradooda kadib markii Israa’iil ay si buuxda u joojisay gargaarkii bini’aadantinimo ee la gaarsiinayay marinka Gaza bishii Maarso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Anthony Albanese oo Mar Kale Ku Guuleystay Doorashada Guud ee Australia

Doorashadan ayaa timid xilli xisbiga Talada haya uu sanadkan ku bilaabay ololaha…

  • Caalamka

    03-05-2025

  • 06:58PM

Madaxweyne Trump oo La Filayo Inuu Xilka Ka Qaado Lataliyihiisa Amniga Qaranka Michael Waltz

Michael Waltz, oo horey xildhibaan uga soo noqday gobolka Florida, ayaa…

  • Caalamka

    01-05-2025

  • 03:30PM