Xuutiyiinta Yemen oo duqeeyay markab laga leeyahay Mareykanka

Image
Markabkan ayaa markii la bartilmaameedsanayay waxa uu marayey Gacanka Cadmeed.

DOOXA, Qadar - Taliska Dhexe ee Milliteriga Maraykanka (CENTCOM) ayaa sheegay in Xuutiyiintu ay Gantaalka Ballistic-ga ee lidka Maraakiibta ku dhufteen Markab Shidaal oo laga leeyahay Maraykanka.

Markabkan ayaa markii la bartilmaameedsanayay waxa uu marayey Gacanka Cadmeed. CENTCOM ayaa waxa uu sheegay in gantaalku seegay oo uu ku dhacay biyaha.

CENTCOM waxay sidoo kale xustay inay soo ridday laba "weerar hal dhinac ah oo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn" ee koonfurta Badda Cas, halka mid saddexaad oo UAV ah uu burburay.

Xuutiyiinta Yemen ayaa tan iyo bishii November weerar ku hayay maraakiibta ku sugan badda cas iyo gacanka Cadmeed iyaga oo ka mudaaharaadaya dagaalka Israa’iil ka waddo dhulka Falastiin ee Gaza

GAROWE ONLINE

Related Articles

Maxay Salma Naddaf iyo carruurteedu uga guureen dalka Denmark?

Salma Naddaf asal ahaan waxay ka soo jeeddaa dalka Suuriya, halkaas oo…

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 09:13PM

Warbixin: 7 Dhibaato oo la iska indhatiray oo laga yaabo inaadan ka warqabin 2025

Xaaladda bani’aadantinimo ee Soomaaliya ayaa sii xumaanaysa iyadoo abaaro, colaado iyo adeegyo bulsho oo daciif ah ay sababeen baahi weyn.

  • Caalamka

    17-12-2025

  • 10:52AM