Duleedka degmada Buuhoodle oo lagu dagaalamay

Image

February 17, 2015 (GO)- Ciidamada Somaliland iyo mileeshiyo beeleed ayaa maanta ku dagaalamay tuulada Horufadhi oo qiyaastii 50km degmada Buuhoodle dhanka galbeedka kaga beegan.

Dagaalka oo bilowdey kadib markii ciidamada Somaliland weerar kedis ah kusoo qaadeen tuulada Horufadhi, waxaa ku dhaawacmay labo qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada Somaliland ee duulaanka soo qaadey ku raad joogeen mas'uuliyiin ka tirsan maamulka Khaatumo oo halkaas booqasho ku marayey.

Xaaladda ayaa caawa degen balse waxaa jirta  saan saan colaadeed iyo abaabul ciidan oo labada dhinac ay wadeen.

Laga soo bilabo sanadkii 2011, deegaanka Horufadhi iyo dhulka miyiga ah ee ku hareeraysan waxaa ka dhacay dagaalo  galaaftay nolosha tobanaan qof oo rayid u badnaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Diidmada Gelitaanka Mareykanka Ee Garsoore Omar Artan Oo Caro Ballaaran Abuurtay

Toddobaadkii hore ayay FIFA sheegtay in arrinta fiisaha Omar Artan si buuxda loo…

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 07:18PM

Sirdoonka Turkiga oo Wada Dadaallo Lagu Xallinayo Khilaafka Doorashooyinka Soomaaliya

Turkiga ayaa muddo dheer ahaa saaxiib dhow oo Soomaaliya ka taageera dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo horumarinta.

  • Soomaliya

    08-06-2026

  • 08:21AM