Deegaanka Bursaalax oo beelo lugu heshiisiiyey

Image

January 18, 2015 (GO)- Wafdi ka socda Dawladda Puntland ayaa u tegey tuulada Kala-bayr  oo 5km u jirta degmada Bursaalax sidii ay usoo xallin lahaayeen xurguf soo kala dhex gashay labo beelood oo walaalo ah, kuwaasoo isku qabsaday dhul daaqsimeed.

Wasiir kuxigeenka Wasaarada Haweenka iyo Arimaha Qoyska Farxiyo Yuusuf Bilig oo maanta Radio Garoowe waraysi siisay ayaa ka warbixisay qaabka ay u xalliyeen khilaafka labadaas beelood soo kala dhex galay,  waxayna sheegtay in waxgaradka labada beelood ay la kulmeed mas'uuliyiin ay kamid ahaayeen: wasiir kuxigeenka wasaarada xanaanada xoolaha, taliyaha qaybta booliska gobolka Mudug.

''waxaan arinta u qaybinay labo qaybood oo kala ahayd in xalka koowaad laga dhigo in beelaha la kala siiyo mag, sidoo kalena arintii dhulka dib ayaan u dhignay waxaana iyadana la galayaa marka beeluhu arintaan dhamaystaan'' ayey tiri.

Dhanka kale mar ay wasiirad Farxiyo ka hadashay rajada laga qabo in dhib dambe dhulkaa uusan ka dhicin waxay sheegtay in rajadu wanaagsantahay ayna ku faraxsantahay in arintaas lasoo afjaro.

Horay waxaa bursaalax uga dhacay in labo beelood oo kamid ah beelaha halkaa daga ay nin iska dileen, iyadoona Dawladdu damacday inay lasoo wareegto nimankii gacan ku dhiiglayasha ahaa balse ay suuroobi wayday kadib markii deegaanka Cagaaran ee duleedka Gaalkacyo ay isbaaro dhigteen beesha ninka laga dilay taasoo keentay in ragii dib loogu celiyo Bursaalax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM