Gabar dibaxa ah oo ka shaqeyn jirtey TV-ga Ruushka oo baxsatey

Image

Oct 5 (GO) -Saxafiyad ka tirsan TV-ga Ruushka ee Marina Ovsyannikova, oo caan ku noqtey in ay samayso dibad-bax dhinaca hawada ah oo lagaga soo horjeedo dagaalka Ruushku ka wado Ukraine, ayaa xaqiijisay inay ka baxsatay xabsi guri, iyadoo lagu eedeeyay inay mar kale faafisay warar been abuur ah.

"Waxaan isku haystaa inaan gabi ahaanba dambiile ahayn, maadaama uu gobolkeenu diiday inuu u hogaansamo shuruucdiisa, waxaan diiday in aan u hogaansamo cabirka xakamaynta ee la igu soo rogay laga bilaabo 30ka Sebtembar 2022 oo aan iska sii daayo," ayay ku tidhi Telegram.

Qareenkeeda ayaa sheegay in saxifiyadaan looga yeeray maxkamad ku taal Moscow xiliga ay ka baxsaneyso gurigeeda oo ay xabsi dowli ku aheyd.

Ovsyannikova, oo 44 jir ah, ayaa bishii Ogosto lagu xukumay laba bilood oo xadhig ah, ka dib mudaaharaad bishii Luulyo, markii ay dul istaagtay webiga ka soo horjeeda aqalka Kremlin-ka, waxaanay kor u taagtay boodh ay ku sheegtay in Madaxweyne Vladimir Putin uu yahay gacan-ku-dhiigle iyo askartiisa Fashiistaha.

Waxa ay wajahi laheyd xukun gaaraya 10 sano oo xarig ah haddii lagu helo eedda ah in ay warar been abuur ah ka faafisay ciidamada qalabka sida ee Ruushka.

Xarigga gurigeeda ayaa lagu waday inuu socdo ilaa 9-ka Octobar, balse wakaalada wararka ee Russia Today ayaa Sabtidii sheegtay inay la baxsatay gabadheeda oo 11 jir ah, lamana oga halka ay jaan iyo cirib dhigtey.

Sida ay uga baxday iyo halka ay tagtay ilaa hadda ma cadda, balse Isniintii, magaceeda waxaa laga dhex arkayaa wasaaradda arrimaha gudaha liiska dadka ka baxsanaya caddaaladda, oo uu weheliyo sawir.

Warbixin ay Arbacadii soo dhigtay barteeda bulshada ee Telegram, ayay ku xaqiijisay inay baxsatay, iyadoo dhaleecaysay qodobka xeerka dembiyada ee lagu dacwaynayo iyada oo sheegtay in lagu dhibaataynayo "ay run sheegtay".

Ruushka ayaa soo saaray sharciyo cusub oo ka dhan ah sumcad-xumada ama qaybinta "xog been ah oo ula kac ah" oo ku saabsan ciidamada qalabka sida 4-tii Maarso, siddeed maalmood ka dib markii ay weerareen Ukraine.

Ovsyannikova waxa Uae caan ka noqday caalamka dabayaaqadii bishii March iyada oo ka soo hor baxdey kaamirooyinka istuudiyaha hortiisa xilli uu socday war fiidnimo ah oo laga sii daayay Channel One iyada oo wadata boor ay ku qoran tahay "Jooji dagaalka" iyo "Been bay kuu sheegayaan".

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Madaxda Federaalka oo durba bilaabay fulinta ballamadii ay la galeen Xildhibaanada

Madaxweynaha JFS ayaa durba bilaabay xil u magacaabista xubnaha baarlamaanka.

  • Wararka

    02-04-2024

  • 08:02AM

Turkiga oo casriyeynaya hanaanka dambi baarista Soomaaliya

Wax ka badalkan ayaa horumarin doona nidaamka cadaalad marinta darafyada dacwaduhu ay khuseeyaan.

  • Wararka

    14-02-2024

  • 04:30AM