Iiraan oo sheegtay inay toogatay "qof jaajuus u ahaa Yahuuda"

Image
Shaqsigan oo aan magaciisa la sheegin ayaa lagu waramay in uu uruurinayay xog sir ah.

DOOXA, Qadar - Iran ayaa sheegtay in ay xukun dil ah ku fulisay qof ku sugnaa koonfurta bari ee gobolka Sistan iyo Baluchistan kadib markii lagu eedeeyay inuu basaas u ahaa hay’adda sirdoonka Israel ee Mossad.

Shaqsigan oo aan la sheegin magaciisa ayaa Sabtida maanta ah loo toogtay "in uu si bareer ah u ururiyay xog sir ah" oo uu u gacan galiyay sirdoonka shisheeye.

Sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee garsoorka Iran, shaqsigan ayaa muddo badan waxa uu si gaar ah ula shaqeynayay hay'adda basaaska ee Israa'iil.

Qofkan ayaa la sheegay in maxkamad loosoo taagay "inuu doonayay uruurinta xog lagu carqaladeeyo nidaamka Iiraan iyo dacaayadda uu ugu hiilinayo kooxaha iyo ururada ka soo horjeeda Jamhuuriyadda Islaamiga ah".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shan qof oo ku dhaawacantay qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Booliska Muqdisho ayaa sheegay in qaraxyaddan ka dhasheen baco lagu soo qariyay walxo qarxa.

  • Wararka

    28-04-2024

  • 04:13AM

Al Nahyan oo isbitaal ku booqdey askari looga dhaawacay Soomaaliya

Kabtan Mohammed Salem Al Nuaimi ayaa kamid ahaa dhaawacyaddii weerarkii Al-Shabaab ee Xero Gordan.

  • Wararka

    24-04-2024

  • 06:01AM