​Puntland: Iska hor-imaad ka dhacay Ceelaayo Bari

Image

BOSASO- Wararka aan ka helayno gobolka Bari gaar ahaan degmada Bosaso, ayaa sheegaya in ciidamda amniga gobolkaas gacanta kusoo dhigeen tiro dad doonayay inay tahriibaan iyo taliyaha saldhigga Ceelaayo gobolka Bari kadib markii lagu eedeeyay ku lug lahaansha Tahriibkaasi. 

Taliyaha ciidanka Badda Puntland Admiral Cabdirasaaq Diiriye Faarax oo la hadlayay VOA ayaa xaqiijiyay in ciidamadiisu ka dhintay hal askari mid kalena ka dhaawacmay, kadib markii rasaas iyo iska caabin kala kulmeen kooxo uu sheegay inay tahriibayaal ahaayeen oo isugu jira Somali iyo Ethiopian. 

Cabdirasaaq  ayaa carababay in taliyaha Boliiska  deegaanka Ceelaanyo ku wargaliyay inay ku soo wajahan yihiin ciidamada badda Puntland, isla markaana laga doonayo inuu caawiyo, balse taasi uu ka dhaga adaygay.

''Waxaan ku wargaliyay taliyaha Ceelaanyo inay ku soo wahan yihiin, howl-galana deegaankaasi ka fulinayaan, sidaasi daraadeedana uu caawiyo, wuxuuna iisheegay ninkaasi inay khalad tahay in ciidamadaasi ay yimaadaan shaqana ay ka qabtaan, waxana uu sheegay inay yihiin ciidan nabad-galayo nasiib darro  ma uusan samayn,'' Ayuu yiri taliyuhu. 

Taliyaha ciidamada badda Puntland ayaa tilmaamay inay soo qabteen 32-qof oo Somali ah iyo 14-kalle oo uu ku jiro taliyihii saldhiga Ceelaanyo oo uu ku eedeeyay inay ka danbeeyeen weerarka iyo tahriibta.

''Waxaa jirta 14-qof oo uu ku jiro ninkii meeshaasi  taliyaha ka ahaa iyo ragii kalle oo galaamayay ayaan soo qabanay, hunkuna waa 4-qori, 3-dii doonyood ee Yemen gayn alahaa, matooro iyo dadkii tahriibi lahaa qaarkood,'' Waxaa sidaasi yiri mid kamid ah dadkii la soo qabtay oo la hadlay VOA ayaa xusay inuu ka yimi magaalada Muqdishu, isla markaana u socday dalka Yamen,ugana sii talaabi lahaa wadanka Sucuudiga, balse taasi ay usuuragali wayday. 

Qaar kamid ah xeebaha Puntland, waxaa inta badan kabaxa doonyo wada dad tahriibayaal ah, mana ah markii ugu horaysay ciidamada badda Puntland howlgal cayn kan ah qaadaan. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM