Al-Shabaab oo sheegatay dilka Boosaaso iyo Gudoomiyaha G/Bari oo ka hadlay

Image

BOOSAASO, Puntland - Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda dilka Agaasimihii Shirkadda P&O ports ee Dekadda magaaladda Boosaaso, kaasoo lagu magacaabi jiray Paul Anthony Fermosa.

Afhayeenka dhanka howlgallada Al Shabaab, Cabdicasiis Abu Muscab ayaa shaaciyey in Guutada dilalka kharijinta u qaabilsan Kooxda ay subaxnimadii hore ee saaka Boosaaso ka fulisay howlgal qorsheysan oo lagu beegsaday agaasimihii DP World.

Dhank kale, Yuusuf Maxamed, oo ah gudoomiyaha gobolka Bari ayaa sheegay in labo ruux oo isku soo ekeysiiyay Kalluumeysato ay ku toogteen Paul Anthony Formosa xilli uu kusii jeeday Dekedda Boosaaso.

Formosa, oo kasoo jeeda Jaziiradda Malta ayaa ku dhintay Isbitaalka kadib markii dhaawac kasoo gaarey rasaasta lagu furay.

Ciidamo ilaalo u ahayd Sarkaalkan P&O ports u qaabilsanaa Dekedda Boosaaso ayaa toogtey mid kamid ah labada dableyda ah, iyadoo midka kale ay gacanta ku dhigeen isagoo dhaawac ah, waxaana lagu daweynayaa magaaladda.

Shirkadda P&O ports ayaa horaantii sanadkii 2017 heshiis 30 sano ah la gashay maamulkii Cabdiweli Gaas, kaasi oo ay ku maamulayso islamarkaana ku ballaarinayso Dekadda magaaladda Boosaaso.

Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay P&O ports, oo hoostagta DP World, oo laga leeyahay dalka Imaraadka Carabta oo ku saabsan dilka Boosaaso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM