Deni oo isku-shaan-dheyn ballaaran ku sameeyay Golahiisa Wasiirada

Image
Tani ayaa ka dambeysay markii xubno badan oo kamid ah xukuumada ay noqdeen Xildhibaan heer federaal.

GAROWE, Puntland - Madaxwaynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Dani, ayaa isku-shaan-dheyn ballaaran wuxuu ku sameeyay golahiisa wasiiradda kadib markii qaarkood ay Xildhibaano federaal noqdeen.

WASIIRADA LA ISU BADALAY

1. Waxaa Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaaraha.
2. Waxaa Cabdullaahi Cabdi Xirsi loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
3. Waxaa Axmed Shire Siciid loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Beeraha

MAGACAABID WASIIRO

1. Waxaa Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.
2. Waxaa Dr. Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.
3. Waxaa Dr. Carshe Maxamed Siciid Aw-muuse loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.
4. Waxaa Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha
4. Waxaa Cabdalle Cali Maxamed (Xashaawe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.

MAGACAABID WASIIR KU XIGEENO

1. Waxaa Laylo Cabdi Cali loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka
2. Waxaa Aamino Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka
3. Waxaa Cali Cumar Caarshe loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda
4. Waxaa Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada
5. Waxaa Qaasim Maxamed Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Dekeddaha
6. Waxaa Cabduqaadir Maxamed Suleymaan loo magacaabay Wasiirk Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta

WASIIRU DAWLAYAAL

1. Waxaa Shaakir Maxamed Guuleed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta
2. Waxaa Axmed Maxamuud Maxamed (Barile) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha
3. Waxaa Nuur Sheikh Daahir Sheikh Nuur loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha
4. Waxaa Axmed Ibraamin Cawaale loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.
5. Waxaa Cabdinaasir Aadan Gows loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda
6. Waxaa Mustafe Cabdifitaax Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.
7. Waxaa Cabdiqani Maxamed Cabdi Ciise loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga
8. Waxaa Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha
9. Waxaa Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.

BADAL

1. Waxaa Faa’iso Cali Ismaciil loo bedelaya Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beeraha


Isbadaladan ayaa kasoo baxay wadahadalo maalmihii lasoo dhaafay Madaxtooyadda Garowe ku dhexmaray Deni, ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash iyo Gudoonka Barlamaanka, sida uu Garowe Online fahansan yahay.

Deni ayaa u sharaxan xilka madaxweynaha Soomaaliya. Khudbadda shaacintiisa ayuu ku caddeeyay in uu doonayo isbedel uu ku sameeyo hogaanka dalka "kaasoo shantii sano lasoo dhaafay sameeyay xadgudubyo".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM