Faroole oo ka digay in Puntland lagu soo rago cunaqabateyn waxbarasho

Image

GAROWE, Puntland – Senator Cabdiraxmaan Faroole, oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, ayaa ka falceliyey xiisada dowlada Puntland iyo Wasaarada Waxbarashada federaalka.

Ugu horeyn, madaxweynihii hore ee Puntland ayaa sheegay in dastuurka federaalka uu u ogolaanayo maamulada in ay si gaar ah u maamushaan arrimaha bulshada sida tacliinta.

Mid kamid ah aas-aasayaasha maamulka ugu da’da weyn dowlahada xubinta ka ah federaalka ka tisqaadey Soomaaliya ayaa cod dheer kusoo jeediyey in la xormeeyo dastuurka.

Xukuumada federaalka ayuu ku eedeeyay in ay dhaqaalaha dalka u adeegsaneyso "kala furfurka" dowlad goboleedyadda dhismay.

"Awooda waxbarashada meesha laga fuliyo Soomaaliya oo dhan waa Puntland, taas cid inkiri kartaa ma jirdho...maamulada kale waxaan ugu yeereynaa in ay ka shidaal qaataan...dowlada federaalka waa in ay ku dayato meesha looga fiican yahay ma ahan in ay kala furfurto," ayuu maanta oo Arbaco ah ka yiri shir jaraa'id oo uu ku qabtay Garowe.

Federaalka

Nidaamka federaalka ayuu ku nuux-nuux saday in uu yahay midka kaliya ee Soomaaliya isu soo dhowaan karto.

Isagoo cuskanaya dastuurka, wada-xaajood ayuu hoosta ka xariiqay in uu yahay habka lagu wada shaqeyn karo laguna xalin karo ismaandhaafka.

"Ma ahan middi-middi-ku-taag iyo annaa magacaygu magacaa ka sareeyaa oo la ictiraafsan yahay maahan sidii waddanka u wadashaqeyn karo ayaa la rabaa. Waddankaan meel fog baan ka keenay illaa iyo 91-kii baan dedaal kusoo wadnay".

Wuxuu xusay: "Federation baa 2004-tii la qaatay in uu dib u noqdo ma rabno, dalkan waa burburay nidaamka la isugu soo celin karo waa midkaas kaliya ciddii cilad ku ah oo aan la jaanqaadi karin dadka yey wareerin koley waqtiga waa la dhamaanaya, haddey goor tahee inta aysan ceeboobin ha isaga tageen meesha".

Cunaqabateyn waxbarasho

Intii lagu guda jira shirka jaraa'id, Faroole ayaa si adag ka digay in "cunaqabateyn waxbarasho" oo dowladda federaalka kusoo rogto Puntland "siddii Jubaland u saartay xayiraad hawada ah".

Senator-ka oo cuskanaya dastuurka qabyadda ah ee xoojinaya dooda Puntland ayaa ku tilmaamay "wax aan la aqbali karin" xadgudub ay xukuumada federaalka ku sameyso gobolada.

Wasiirka Waxbarashada federaalka ayuu ku waaniyey in uu u hogaan-samo heshiisyadda ay kala saxiixdeen Puntland iyo xukuumadihii hore, oo ku saabsan shahaadaha iyo deeqaha waxbarashada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayuu ku tartarsiiyey in uu soo farageliyo xiisadan isla markaana uu wax ka qabto.

Ugu dambeyntii, Senator Faroole oo sheegay "in xal heli doono" ayaa waalidiinta iyo ardayda Puntland ee aqoonsiga shahaadaha ka sugaya dowlada federaalka ku booriyey "dulqaad iyo in aysan niyad-jebin".

MUUQAALKA SHIRKA JARAA'ID

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamadda Puntland oo qabtey nin ku hubaysan walxaha qarxa

Howlgalkan ayaa xalay saqdii dhexe waxa uu ka dhacay qeybo kamid ah magaalada Boosaaso.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 05:32PM

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashi dhanka mashaariicda horumarinta

Madaxweyne Deni ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Safiirka Dowladda Sweden ee Soomaaliya, Joachim Waern.

  • Puntland

    13-05-2024

  • 03:34PM