Faroole oo ka digay in Farmaajo saxiixo sharci uu ansixiyey BF

Image

GAROWE, Puntland – Senator Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa si adag kaga digay in madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu qalinka ku duugo hindise sharciyeedka Batroolka Soomaaliyeed.

Xeerkan oo ay ansixiyeen labada aqal ee baarlamaanka federaalka waxaa ka hor-yimid qaar kamid ah maamuladda waddanka.

Dowladaha xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ee diidey sharciga ayaa cuskaday in ay ku jiraan qodobo "khatar ah".

Dowlad goboleedyadda ayaa ku baaqay in dib loosoo celiyo xeerkaas isla markaana wax ka bedel lagu sameeyo.

Faroole, madaxweynihii hore ee Puntland, ayaa hoosta ka xariiqay "in si khilaafsan xeer-hoosaadka uu ka gudbay".

"Mooshin juujuub ah oo laga soo abaabulay baarlamaanka dhexdiisa ayaa lagu meelmariyey," ayuu hadalkiisu ku daray, isagoo ka qeybgalay xalay Madasha PDRC Talks.

Maalintii uu Aqalka Sare codka u qaadey hindisaha, fadhigii waxaa mudaneyaasha qaar loo diidey in ay fekerkooda cabiraan taasoo dhalisay in xubnaha Puntland ay kasoo baxaan shirka.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Faroole ayaa tibaaxay in mushkhilad horleh ay "dhici karto" hadii Farmaajo saxiixo sharcigaas.

"Hadii uu saxiixo conflict koow weye, fidnow koow, batroolka markii lasoo saarayo fidnow koow ahaan jidhee, waxyaabo badan oo aan ALLE ka baryeyno in aysan imaan ayaa dhici kara," ayuu xusay.

Dhanka kale, doorashooyinka Soomaaliya ee 2020-21 oo uu caddeeyay in aysan noqon karin qof iyo cod ayuu soo jeediyey in heshiis laga gaaro nidaamka iyaddoo laga hortagayo musuqmaasuqa.

Mudanaha ayaa sidoo kale soo jeediyey in la hirgeliyo aragtida ah "cid wax dooraneysa aan la gadan, cid wax gadateyna aan la dooran".

Ugu dambeyntii, qabyotirka dastuurka oo uu ku nuux-nuux saday in loo waddo "qaab aan sax ahayn" ayuu carabka ku dhuftay in isbedel lagu sameeyo si uu u noqdo mid sharciyada uu u baahan yahay hela.

MUUQAALKA FAROOLE

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo bilowday qorshe cusub oo lagu xoojinayo awoodda Booliiska

Mas’uuliyiinta booliiska ayaa tilmaamay in isbeddelka socda uu horseeday in dhalinyaradii waxbarashada dhammeysay.

  • Puntland

    01-11-2025

  • 06:16AM

Mareykanka oo duqeyn cirka ah ka fuliyay Buuraleyda CalMiskaad ee Puntland

Ciidanka Mareykanka ma aysan shaacin tirada khasaaraha ama faahfaahinta howlgalka, iyaga oo xusay cabsi amni.

  • Puntland

    29-10-2025

  • 09:31AM